Mbagathi Troops Raid Benadir Hospital, Kidnap Patients!
Posted: Wed Jul 25, 2007 2:11 pm
Ciidamada dowladda oo maanta dad dhaawac ah iyo shaqaale kala baxay Isbitalka Banadir
Mogadishu 25, July 07 ( Sh.M.Network) Ciidamo ka tirsan dowladda kMG ah ee Somalia ayaa maanta qalqal galiyay howlihii shaqo ee Isbitalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banadir, iyagoo halkaasi ka kaxeystay qaar ka mid ah bukaanada iyo shaqaalihii Isbitalkaasi.
Ciidamadaan oo wata 4 baabuurta dagaalka ayaa xoog ku soo galay saakay Isbitalka Banadir, iyagoo durba ku bilaabay baaritaano, waxaana baaritaanada ka dib ay halkaasi ka wateen qof dhaawac ah, mid ka mid ah shaqaalaha Isbitalka iyo 3 ka mid ah ilaalada Isbitalka sida uu shabelle u sheegay Mid ka mid ah howl-wadeenada Isbitalkaasi oo codsaday in magaciisa aan la shaacin.
Wariye ka tirsan Shabelle oo gaaray halkaasi ayaa sidoo kale waxaa loo sheegay in ciidamada intii ay wadeen baaritaanada ay joojiyeen howlihii shaqo ee Isbitalka, isla markaana ay hor istaageen agaasimihii isbitalka iyo qaar ka mid ah howl-wadeenada.
Ciidamadaan ayaa watay sida la sheegay liis ka kooban 21 ruux oo ay ka baarayeen Isbitalka.
Warka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in ciidamada dowladda ay sidoo kale ka qafaasheen meel ku dhow Isbitalka gaari Ambulance ah oo uu lahaa Isbitalka Banadir.
Dhowaan ayay aheyd markii ciidamo Ethiopian ah oo ay wehliyaan kuwa dowladda ay dhaawacyo kala baxeen isbitalka Shifo ee degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net