Mbagathi Troops Loot Kaaraan Market!

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Biif Baaf
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 463
Joined: Thu Oct 12, 2006 10:42 pm

Mbagathi Troops Loot Kaaraan Market!

Post by Biif Baaf »

Ciidamo labisan dareeska Militariga oo dhac ka geystay suuqa Kaaraan

Mogadishu 24, July 07 ( Sh.M.Network) Ciidamo ku labisan sida la sheegay tuutaha Militariga dowladda ayaa xalay lagu eedeeyay in lacago dollar ah iyo sh.Som, isugu jira ay ka dhaceen shirkad shidaalka iibisa ee fadhigeedu yahay xaafadda Xaliimo Hiite ee degmada Kaaraan.

Max'ed Xasan Xaaji oo ah maamulaha shirkaddaasi oo u waramay shabelle ayaa sheegay in abaaro 6:30 Pm ee shalay maqribkii ay u yimaadeen 6 nin oo 5 ka mid ah ay ku labisnaayeen dareeska ciidamada dowladda.

Waxa uu sheegay in raggaasi ay u sheegeen in hub ay ka baarayaan goobtiisa ganacsiga, iyadoo markii gudaha ay u galeen goobta ay ku amreen in uu furo qasnadii halkaasi taalay oo ay kala baxeen lacag dhan 3 kun oo dollar iyo lacag sh.som ah oo aan badneyn.

Max'ed Xasan Xaaji waxa uu sheegay in nin ka mid ah raggaasi uu ku labisnaa dareeska ay qaataan dadka rayidka ah uu u sheegay in uu yahay taliyaha kooxdan isla markaana uu fulinayo baaritaanada.

Waxa uu sheegay in uu tagay saldhigga booliska degmada Kaaraan, isla markaana uu ku war galiyay in boob ay u geysteen ciidamo Militari ah, deetana saraakiisha booliska ay u sheegeen in ay arkeen raggaasi oo watay gaari Mark2 ah.

Ninkaan gacansadaha ah ayaa sheegay in hub uu ku ilaalsan jirey goobtiisa ganacsi ay kal hore kala wareegeen ciidamada dowladda, ayna u balan qaaday dowladda in ay sugeyso amaanka goobtiisa.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamo ka tirsan dowladda ay dhac u geystaan goobo ganacsi oo ku yaala Muqdisho, iyadoo horey ay u jirtey cabasho ka soo yeertay ganacsatada suuqyada Bakaaraha iyo Siinaay oo ku aadan dhac ciidamo ka tirsan dowladda ay u geeyeen.


Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”