Banaanbax ka dhan ah ciidamada dowladda oo ka dhacay suuqa Kaaraan
Mogadishu 25, July 07 ( Sh.M.Network) Banaanbax cabasho ah ayay maanta ganacsatada suuqa Kaaraan ka sameeyeen halkaasi, iyadoo intii uu socday banaanbaxaasi ay joogsadeen howlihii shaqo ee suuqaasi.
Banaanbaxaan oo ay soo abaabuleen ganacsatada suuqa Kaaraan ayaa waxa ay uga soo horjeedeen dhac iyo boob ciidamada dowladda ay dhowaan ka sameeyeen suuqaasi iyo xariga loo geeystay mid ka mid ah ganacsatada suuqaasi.
Banaanbaxayaasha ayaa socodkooda ka soo bilaabay halka looga baxo suuqa Kaaraan, iyagoo ku soo uruuray barxadda Hore ee degmada Kaaraan, waxaana ay ku dhawaaqayeen halku dhigyo ka dhan ah ciidamada dowladda iyo ereyo ay ku dalbanayeen in la sii daayo nin ganacsade ah oo shalay goobtiisa ganacsi ay ka wateen ciidamo ka tirsan dowladda, iyagoo ku dooday ninkaasi uu yahay qof aan lug ku laheyn arimo siyaasadeed.
Maxamuud Xasan Kulmiye oo ka mid ah ganacsatada suuqa Kaaraan ayaa shabelle u sheegay in ay sii wadi doonaan gadoodkooda ka dhanka ah ciidamada dowladda ilaa wax laga qabanayo amaanka degmadaasi oo ay sheegeen in maalmihii la soo dhaafay qas ay wadeen ciidamo ka tirsan dowladda.
Gacal Max'ed Gacal oo ah nin ay walaalo yihiin Ganacsadaha ay shalay kaxeysteen ciidamada dowladda ayaa ka codsaday dowladda KMG ah in si deg deg ah loo sii daayo walaalkiis oo uu sheegay in aanu jirin wax dhibaato ah oo uu geystay.
Banaanbaxaan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidamado ka tirsan dowladda lagu eedeeyay in ay dhac ka geysteen goobo ganacsi oo ku yaala suuqa Kaaraan, iyadoo goobaha la dhacay intooda badan ay ku teedsan yihiin saldhigga degmada Kaaraan.
Waa banaanbixii ugu horreeyay oo cabasho ah oo ay sameeyaan ganacsatada magaalada Muqdisho oo looga soo horjeedo ciidamada dowladda dhaca ay ka wadaan suuqyada Muqdisho.
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
Protest Held In Mogadishu Against The Lootings By The Mbagat
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 206 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 6 Replies
- 644 Views
-
Last post by Executive
-
- 1 Replies
- 309 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 19 Replies
- 1888 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 35 Replies
- 2633 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 1 Replies
- 518 Views
-
Last post by paperino
-
- 6 Replies
- 811 Views
-
Last post by original dervish
-
- 20 Replies
- 1510 Views
-
Last post by DamallaXagare
-
- 6 Replies
- 854 Views
-
Last post by Murax