here i was thinking Somaliland was a Democracy

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Sadaam_Mariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13484
Joined: Sat Feb 03, 2007 8:50 pm
Location: Villa SADAAM, Jamuriyada Sadaamalia
Contact:

here i was thinking Somaliland was a Democracy

Post by Sadaam_Mariixmaan »

fficer uu diiday ilu xidho secoond man of qarran
Ololaha Hawl-galada Ka Dhanka ah Urur Siyaasadeedka Qaran Oo Galaaftay Xadhiga Hal Askari Iyo Baadi-goobka Masuuliyiinta kale Oo weli sii socda.

--------------------------------------------------------------------------------



()
hadhwanaag 2007-07-26 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Xukuumada Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabtay hal Askari, kadib markii uu diiday inuu hor kaco koox Ciidanka Booliska ah oo amar lagu siiyey inay soo qabtaan Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Urur Siyaasadeedka Qaran Jamaal Caydiid, kaas oo uu ku an-dacooday askarigu inaanu garanayn.
Sida waxa shabakada wararka ee Hadhwanaag u xaqiijiyey qaar ka mida Ciidamada Bileyska.

Askarigan oo ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland oo magaciisa la yidhaahdo Cumar Timacade ayaa lagu xidhay Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, xadhiga askarigan ayaa waxa uu daba socday kadib amarkii amar lagu siiyey inuu gadh-wadeen ka noqdo koox askara oo lagu amray inay soo qabtaan Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Ururka Qaran Jamaal Caydiid oo Xaafada uu deegaan ahaan degen yahay ee Axmed Dhagax lagaga dhawaaqay Maalintii Isniinta ee todobaadkan Xafiiskii ugu horeeyey Ururkaasi Qaran.

Sidoo kale tibaaxyo laga helay ilo ku dhow dhow Ciidanka Booliska ayaa sheegaya in Saaka Ciidanka Bileyska la fayliyey,isla markaana amar-na lagu siiyey inay soo qab-qabtaan Masuuliyiinta Urur Siyaasadeedka Qaran iyo labada Urur ee Bad-baado iyo Gud-gude si xabsiga loogu taxaabo, maadama sharcinimadooda uu muran ka taagan yahay.

Xadhiga Askariga Cumar Timacade iyo hawl-galada ay Xukuumada Somaliland ku hawl-gelisay Ciidamanka Bileyska inay soo qabqabtaan Masuuliyiinta Ururada Qaran, Bad-baado iyo Gud-gude ayaa ka danbeysay, kadib markii shalay la sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin uu kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Xeer-ilaaliyaha Guud, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Madaxda Sirdoonka Qaranka ma jirto war rasmiya oo ka soo baxay kulankaas iyo waxa uu Madaxweynuhu kala hadlay Masuuliyiinta uu la kulmay.

Hasayeeshe, Sida ay tibaxayaan warar ku dhow dhow qasriga Madaxtooyada oo u dhuun-daloola ayaa sheegaya inuu Madaxweynuhu kulankaas kala hadlay Masuuliyiintaas sidii talaabo looga qaadi lahaa dhaqdhaqaaqyada taageero-raadis ka ah, ee uu Urur Siyaasadeedka Qaran iyo Masuuliyiintiisu ku hawlan yihiin. Iyo sidoo kale labada Urur Siyaasadeed oo laga Bad-baado iyo Hud-hud lagu dhawaaqay.


Wixii warara ee ka soo kordha hawl-galada ay Ciidanka Boolisku ku raadinayaan qab-qabashada Masuuliyiinta Urur Siyaasadeedka Qaran iyo labada Urur ee Bad-baado iyo Gud-gude kala socda Ka la socda Shabakada Hadhwanaag wakhtiyada soo socda….


Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale]
Reporter Hadhwanaag/Hargeysa
E-mail, janaale94@yahoo.com

Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”