Page 1 of 1

FREE DR. GABOOSE!!!!!!!!!!!!!!

Posted: Sat Jul 28, 2007 6:03 pm
by Sadaam_Mariixmaan
Hargeysa (Somaliland.org) – Ciidamada Booliska ayaa saaka subaxnimadii hore qabqabtay siyaasiyiinta ugu sarraysa hoggaanka ururka QARAN, isla markaana u taxaabay xabsiga.

Ciidamada Boolisku waxay guryahooda oo ku yaalla meelo kala duwan oo magaalada Hargeysa ah ka soo qabqabteen, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah Guddoomiyaha ururka Qaran, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo ah Guddoomiyekuxigeenka ururkaas iyo Jamaal Caydiid, waxaana isla saaka loo qaaday Xabsiga Mandheera.

Xadhiga siyaasiyiintaas oo la filayey ilaa Khamiistii Dorraad, waxa la fuliyey saaka subaxnimadii hore, abbaaro 6:00 aroornimo.

Laba ka mid ah, siyaasiyiintaas, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Inj. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa iyaga waaranka ama amarka qabashadooda ay xukuumaddu gacanta ku haysey ilaa Khamiistii, halka Jamaal Caydiid isla saaka Maxkamadda la geeyey, si looga xalaaleeyo xadhigiisa.

Wax dhibaato ahi kama dhicin qabashada siyaasiyiintaas oo lama filaan ku noqotay dadweynaha Hargeysa, laguna baraarugey barqadii saaka markii loo dhaadhiciyey xabsiga Mandheera.

Ururka Qareennada Somaliland, Xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE iyo dad kale oo badan ayaa hadda abaabulaya shirar jaraa'id oo ay kaga hadlayaan xadhiga siyaasiyiintaas.

Wixii ka soo kordha kala soco halkan

Re: FREE DR. GABOOSE!!!!!!!!!!!!!!

Posted: Sat Jul 28, 2007 6:12 pm
by DR-YALAXOOW
gaboose that name sounds like reer koonfureed.. war dhaqtarkii siyaad bare maxaa hargeysa geeyey waa yaab:

waliba dhaqtar xukun doon ah waa in nigeria loo tarxiilaa sidii adeerkiis bare AUN

Re: FREE DR. GABOOSE!!!!!!!!!!!!!!

Posted: Sat Jul 28, 2007 6:23 pm
by Sadaam_Mariixmaan
waa Isaaq ku dhasayta Gaalkacyo

hooyadis waa Mareexaan - Reer Dalal

Re: FREE DR. GABOOSE!!!!!!!!!!!!!!

Posted: Sat Jul 28, 2007 6:25 pm
by Brav3Heart
hang that modarfukar

Re: FREE DR. GABOOSE!!!!!!!!!!!!!!

Posted: Sat Jul 28, 2007 6:27 pm
by DR-YALAXOOW
abtigiis siyaad bare ayuu daaweeyn jirey armuuu sheegato yahay. isaaq gaalkacyo ku dhashey 1940s maba jiri karo.

sheegato waaye aan u maleeyhaa