Xaflad lagu furayay Dugsiga Sare ee SYL oo lagu qabtay xarunta waxbarashada dugsiga gabdhaha Horsed Xaafadda Wadajir Ee Magaalada Gaalakcyo.
July,29,2007 www.Hobyoradio.com
Xafalad ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen daladda wax barashada Mudug iyo urururka Somai Society Development Associain {SOSDA}laguna maamuusayay furitaanka dugsiga sare ee SYL ayaa galabnimadii jimcaha ee ay taariikhdu ahayd 27/72007, lagu qabatay xarunta dugsiga gabdhaha Horseed ee Magaalada Gaalakcyo.
Kusimaha Madaxweymaha Mudane Cabdi Samad
Coll. Mohamed Caalin . Kusimaha Madaxweynaha Mudane . Cabdi Samad. Mudane Cumar Suuri
Mudane. Cumar Suuri
Godomiyaha Gobolka Hobyo Coll. Mohamed Caalin
Dr. Mohamed Amiin
Maamulaha Guud Dr. Ereg
Xaflada oo ayhayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay Dadweyne farabadan iyo marti sharaf kala duwan oo lagu casuamay xafladda sida: culimo udiin,Dhalin yaro,Haween mas’uuliyiin ka tirsan dawlad goboleedka gal-mudug State,Bahda saxaafadda, iyo Qaybaha bulshada ka jira gobolka.Mudug.
Xaflada oo bilaabatay abaarihii 4:00 Galabnimo ayaa waxaa ugu horayntii lagu furay ayaadha qur’aanka kariimka oo uu aqriayay ardayga lagu magacaabo.Shaafici Saciid Aadan oo ah araday ay da’diisu aad uyartahay. Intaasi kadib waxaa bilawday qudbadihii loogu tala galay xaflada waxaana ugu horayntii halkaasi ka hadlay Axm’d Xaaji Ereg oo ah Maamulaha iskuulka celguula isla markaana ka mid ah mas’uuliyiinta ururka{ SOSDA}Mudane Ereg ayaa ka hadlay arimo la xiriira furitaanka dugsiga sare SYL oo uu sheegay in qorshaha lagu fuaray uu ahaa mid in badan soo socday dadaal dheerna loo galay ayna hormuud ka ahaayeen mas’uuliyiinta ururka SOSDA ayna ugu danbayntii ku guulaysten in manta xariga laga jaro dugsiga sare.
Maamulaha Sosda Mudane C/Nasir C/laahi (Shuuke Xogolof)
.Waxaa sidoo kale makrofanka lagu soo dhaweeayay oo munaasbada furitaanka D/Sare SYL ka hadlay Agaasimaha guud ee ururka {SOSDA} Mudane C/Naasir C/laahi Cabdi Shuuke {Xogolof} asgoona umahad celiayay dhamaan ka soo qayba galyaashii xaflada shuuke xogolof ayaa ku dheeraday arinta iskuuka sare ee SYL oo uu sheegay in ay tahay mid alle looga mahdiyo maadaama uu miradhalay hadfkii ururada ku hawlan wax barashada ee ka jira gobolka mudug uuna hor muud ka yahay ururka SOSDA oo ah urur samafal oo uu sheegay in ay dadaal dheer u soo mareen furitanka dugsiga sare ee gobolka mudug si ay ugu faa idaystaan arday faranbdan oo ku nool Gal mudug.
oo soo dhamaystay waxbarashada dugsiyada H/Dhexe ay tahay mid ay ku guuleyasteen ayna hir gashay 13/6/07, asgoona shuuke sheegay in aysan aairnta aaska dugsiga sare aysan ahayn mid uun yaga ku kooban balse aya gacan weyn ka gaysteen ururo kale oo samafal iyo jaaliyada dibada oo uu uga mahad celiayay gacantaay ka gaysteen ayna u hureen naf iyo maalba, agaasimaha {SOSDA} shuuke xogolof ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in dadka qaarkiis ay noo arkaan inaan wadno fawdo oo uu sheegay in aysan arintu saas ahayn "Ujeedkayagu Mahan inaa wadano dano gaar ah ee angu hadii aynu nahay ururada ku hawlan wax barashada gobolka hadafkeenu waa sidii ay dhamaan bulshadu ku nool gobolka mudug ugaari lahayd hor umar" ayuu yiri shuuke oo sheegay in ay jiraan dad ka aaminsan inay wadtaan dano kale, mar uu shuuke xogolof soo hadal qaaday arinta ah iskuuladka wax barho ee ka jira Galmudug.
ayuu carabka ku dhuftay in ay tahay hor umar ku soo siyaaday gobolka uuna soo dhaweynayo cid kasta oo ka shaqynaysa danaha bulshada gaar ahaan dhinaca wax barshada.
Munaasabda furitaanka iskuulka sare ayaa waxaa isna ka hadlay Maamulaha Dugsigaasi MudaneMax'd jaamac diirshe oo tibaaxay inuu aad ugu farxsan yahay in gobolka mudug oo uu yiri waa meel nabad ah in uu iskuul ka dhigo asgoona sikooban uga hadlay taariikdiisii sidoo ale macalimiinta dugsigaasi wax ka dhigaysa ayaa dhamaantood halkaasi ka hadlay mid kasta uu ka sheekeeyay goobohii wax barashadiisa.
Xafalada lagu furay dugsiga sare SYL ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay iskuulkna xariga ka jaray sii hayaha xilka Madaxweynaha dawlad goboleedka gal-Mudug Satate ahna afhayeenka Baarlamanka Mudane C/Zamada Nuur guuleed oo dareen farxadleh ka muujiyay kuna faanay in biliii ugu danbeeyay gobolka lag fuaray iskuulaad wax barsho uuna asgu ahaan mid goob joog ka ahaa waxaa mudane C/Zamada shaaca ka qaaday in iskuuladaka wax barsho ee ka jira gobolka gaar ahaan dhinaca dawlad goboleedka gal-Mudug State ay dhaaamn tood udiiwaan gashan yihiin dawlada goboleeka Gal-Mudug ayna yihiin hor umar uu gaaray gobolka oo ay ku soo badanayaan goobha wax barashada."Waan filayaa inay dhamaatay xiligii la dhihi jiray isqool ayna dadkii fahmeen faaidada ay leedahay wax barshada" ayuu yiri MudaneC/Zamad kusimaha madaxweynaha Gal-Mudug oo ka hadlayay munaasbada ikuulka sare SYL Gaalkacyo.
Xaflada furitaanka dugsiga sare SYL ayaasidoo kale mas’uuliyiintii ka hadashay waxaa ka mid ahaa:Madaxa dhaqaatiirta gobolka mudug D.rMax’d Amiin C/kariin, max’d Cabdi Kaamil oo ka mid ah madadxad hay’adaha samafalka ee ka ka hawl gala Galmudug,Cumar Maxam’ud rooble oo ka mid ah jaaliyada dibada, gudoomiyaha gobolka Hobyo mudane.Max’d Axm’d Caalim, Muuse Nur qayd iyo Cumar Suudi oo ayaguna ka mid ah jaaliyad adibada ee udhalatay Galmudug, iyo xubno kale oo dhamaantood ka hadlay faa idada wax barashada iyo hanbalyo ay soo jeediayeen qaban qaabiyasha xaflada Ugu danbayntii ayaa waxaa xaflada furitaanka dugsiga sare ee SYL qudbda gaaban ku soo xiray Maamulaha iskuulka AL.Beder ee Gaalakcyo Sheekh muxiyadiin yuusuf barre. Aydoona xafladu ay ku soo dhamaatay jawi aad uwanaagsan.
Cabdalla Max’d Cabdille
Cabdalla45@hotmail.com
Mobail/00 2525 752260
002521 62270923
Gaalkacyo, GalMudug State of Somalia
Hadaan nahay Bahda Hobyo Radio Waxaan Mahad u Diraynaa Walaalahii Soo abuubulay iyo Walaalihii Gacanta ka Gaystay Iskuulka Sare Ee SYL. Mahad Gaara Wariye Cabdalla Max'ed Cabdille oo Xuquuqda Sawirada iyo Warbixinta leh.
C/aziz Xogolof
Gaalkacyo, Galmudug, Somalia
H-R-N Media
Contact: hobyoradio@gmail.com
Furitaanka Dugsiga Sare ee SYL, Wadajir Gaalkacyo
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- Karbaash_killa
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3672
- Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
- Location: Wisil, Galmudug State of Somalia
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 68 Replies
- 2518 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 1 Replies
- 9288 Views
-
Last post by Shiiqaaloow
-
- 0 Replies
- 9007 Views
-
Last post by hiraan
-
- 0 Replies
- 9490 Views
-
Last post by caateye2121
-
- 3 Replies
- 1051 Views
-
Last post by cabdi123
-
- 1 Replies
- 884 Views
-
Last post by udun
-
- 5 Replies
- 1818 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 0 Replies
- 599 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 906 Views
-
Last post by Ducaysane_87