Daarood Ismaaciil iyo Tigree Ismaaciil

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Daarood Ismaaciil iyo Tigree Ismaaciil

Post by DawladSade »

Daarood Ismaaciil iyo Tigree Ismaaciil

Soomaalidu waxay aad u qiimaysaa xiriirrada bulshada. Cidda la jecelyahay ama la soo dhawaynayo waxaa lagala ambaqaadaa meesha ugu dhaw ee xiriirka lagala leeyahay,sida: tolnimada, reer abtinimada, xididnimada, darisnimada, isbahaysiga,

saaxiibnimada iwm. Xiriirka ugu weyn ee ay qadariyaan waa abtirsiga haddii uu doono haba dheeraadee (yeysan isu dhowaan). Cidda ay muujinayaan xiriirka adag ee ka dhexeeya waxay ugu abtiriyaan awoowayaashood. Waxay sidaa ku noqdaan dad isku hayb ah oo si siman uga wada faa’iidaysta isbahaysigaas oo magta wada bixiya, hiil iyo hoo-na ka dhexeeyo,quud iyo qaaraana wadaaga.



Xiriirka noocaan ah wuxuu dhexmari jiray Soomaalida uun, taariikhdana laguma hayo in isbahaysi noocaan ah oo dhexmaray Soomaalida iyo qolo gaalo ah. Ka dib markii

gumaysigu ka adkaaday kacdoonadii lagaga soo horjeeday, dalkana uu si buuxda gacanta ugu dhigay ayaa waxaa bilowday hunu hunu sheegaysa in ay jiraan qabaa’il iyo afraad xiriir hoose la leh gumaysiga, waxaana soo shaac baxay halkudhigyo ay ka mid ahaayeen: Pro Talyan oo lagu magacaabi jiray kooxo ka soo horjeeday xorriyadda, mase jirin cid si bareer ah hayb ula sheegata gumaysiga. Xilliyadii dambe ee jabhadaha mucaaradka Soomalidu u galeen Xabashida ayay dadka qaar bilaabeen in ay gaalada ugu abtiriyaan awoowayaashood; si ay u muujiyaan xiriirka dhaw ee ka dhexeeya, ka dibna waxay noqotay wax la isaga daydo oo qoladii qabqableheedu Xabashida u galaba ay ku tillaabsato. Waxaynu maqalnay Tigreegu waa Jabarti, Facaye Sade, Xarle Koombe …iwm. Haddaba aynu is weydiinee maxaa ka dhab ah isbahaysiyadaan?, maxaase ka dhalanaya oo dhib iyo dheef ah?.



Ugu horrayn isbahaysiga Soomaalidu wada gali jirtay wuxuu ahaa mid dhab ah oo daacad laga wada yahay, kan Xabashida lala galayse waa is moodsiise ma aha wax dhab ahaan jira. Xagga nafciga isbahaysiga Soomaalidu wuxuu ahaa mid labada dhinacba ka wada faa’iidaystaan, kanse waa mid 100% u adeegaya Xabashida oo qur ah, qabiilka la socdana aysan waxba ka faa’iidayn haba yaraatee, marka laga reebo in ay reer hebel kale ku xumaynayaan. Mar kasta oo duulaan la qaadayo waxaa afka la soo saaraa xagga Soomaaliya, cid kasta oo la dilayo ama xoolo kasta oo la qaadayana waa kuwa Soomaaliyeed ee marna ma dhacdo in xagga Itoobiya weerar loo wada qaado, mana jirto mar la wada laayo Xabashi ama la wada dhoco xoolo Xabashiyeed. Marka dhinac kale laga eego xilfigaan wuxuu u dhisan yahay in lagu waxyeeleeyo gaar ahaan dadka iyo deegaanka qabiilka la socda Xabashida; maxaa yeelay jabhad walba waxay Xabashidaku soo hogaamisaa deegaanka qabiilkeeda. Xabbaddii dhacdana waxay haleelaysaa dadkooda ama duunyadooda. Tan kale inta halganku socdo waxaa Xabashida fursad loo siiyaa in ay si buuxda u dhexgasho qabiilkaas, qaybihiisa iyo deegaankiisa, waxayna xiriir adag la yeelataa dad badan oo muhiim ah. Ugu dambayntana kuwii keenay ayay kuwo kale ka hoos samaysaa oo iyagii kaga takhalustaa. Intaa waxaa dheer dhibaatooyin isugu jira kuwo diineed, nabadgalyo, miskexeed, dhaqan iyo dhaqaale oo laga dhaxlayo isbahaysiga Xabashida.



Xagga abtirsiga: Odayaasha loogu abtiriyay Xabashida iyo dadka ku abtirsada

odayaashaas badankoodu wax xiriir ah lama laha Xabshida ee xiriirkaani wuxuu ku

kooban yahay kuwa la shaqaysta uun, sidaa darteed waa in aysan abtirkeena siin

gaalada ee ay iyagu ku abtirsadaan awoowayaal Xabashi ah, tusaale ahaan: hebel

Tigree ama hebel Amxaar iwm.



Xagga diinta: Dhibaatooyinka ka dhashay isbahaysigaan way wada taabanayaan diinta,intii aynu soo sheegnayse waxaynu ku kordhinaynaa arrimahaan:



1.Waa wax lagu kala fogaynayo muslimiinta, gaaladana lagu soo dhaweysanayo,

muslimiintuna dhab ahaan iyagaa walaalo ah, gaaladuna cadaw ayay u wada tahay.



2.Waxay qaadaysaa teedka nacayb iyo colaadeed ee u dhexeeya muslimiinta iyo

cadawgooda.



3.Waxay tirtiraysaa caqiidada ka bari noqoshada gaalada iyo wali ka dhigashada

muslimiinta, waxayna dhimaysaa ka didista gaalnimada.



4.Waxaa lagu xadgudbayaa awoowayaasha muslimiinta ah oo loogu abtiriyay ama lala walaaleeyay gaalada.

5.Waa been abuur cad oo lala jahrayo.



Maxaa lagu xallin karaa musiibadaan:



Inta aynaan xalka ka hadlin aynu is weydiino asbaabta keentay in dadkeena qaarki ku

qamaamaan Xabashida ilaa qaarkood jacaylkeeda ku kawkabaan. Waxaa ka mid ah asbaabta mushkiladaan keentay: jahliga oo si ba’an ugu faafay bulshada. Iyada oo muddo dheer si qorshaysan dadka looga fogeeyay diintooda. Wacyiga bulshada oo aad iyo aad u hooseeya. Dadkii xulka ahaa oo loo jarabaray nacamle-nimo, taas oo keentay in ay hadba kii hoggaanka u qabta daba kacaan. Dulmiga qabiilooyinku isu gaysteen oo qaarkood gaarsiiyay: (rag ciil cadaab ka dooray) iyo (Rabbi ka baq iyo rag iska dhici meel ma wada galaan).



Maxaa xal ah?:



Ma jirto mushkilad aan xal lahayn, tanina ma aha mid ugub ee waa musiibo meelo

badan iyo waqtiyo kala duwan ka dhacday caalam Al-islaami. Dhawr qodob ayaynu soo qaadaynaa oo qayb ka noqon kara xalka mushkiladaan:



1.In lala dagaalamo jahliga, lana faafiyo cilmiga, gaar ahaan caqiidada islaamka.



2.In bulshada si wacan loo wacyigaliyo, lana kala baro cadawgeeda iyo sokeeyeheeda.



3.In la joojiyo, lalana dagaalamo dulmiga iyo xadgudubyada la isu gaysanayo,

gaar ahaan dadka laga taagta roonyahay ama laga tiro badanyahay.



4.In kooxdii gaalada raacda loogu abtiriyo kuwa ay raaceen ee aan la oran reer

hebel ayaa gaalada la safan; maxaa yeelay dambi dad gaar ah faleen ayaa qabiil dhan

oo muslim ah la saarayaa. Tan kale ceeb ay kaligood la madoobaan lahaayeen ayaa laga fududaynayaa.



5.In la gumeeyo oo la weel duwo kuwa gaalada raacay ilaa ay ka toobad keenaan.

6.In dadkeenu garwaaqsado in dadka u gacan haadinaya aysan dantooda wadin ee ay

dan u gaar ah ku gaarayaan.



7.In hoggaanka qabaa’ilka gacanta loo galiyo dad u danqanaya bulshada, isla

markaana leh dadnimo ay maya ku dhahaana kuwa marin habaabinta wada.



8. In xoog la saaro heshiisiinta qabiilooyinka is qabta.



Gabagabadii shaki kuma jiro in aysan ka dhaxayn Daarood iyo Tigree wax xiriir

dhalasho ah oo Nabi Nuux ka sokeeya. Xagga diintana midna Nabi Muxammad (scw) ayuu tawxiidka ku raacay, midna Pulse ayuu shirkiga ku dabagalay. Waxa aan cinwaanka sidan ugu doortay in aan loo fahmin in aan dad gaar ah u jeedo, taas oo keeni karta in ay dadka qaar ka qadaan nuxurka qormada.



Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

aragtida qoraagu ka turjumi mayso shabadka wararka Waayaha.net
User avatar
MJ-Pride
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8362
Joined: Tue Mar 13, 2007 8:16 pm
Location: ^Removing the fake Cimaamad and shaving the fake beards of these thugs

Re: Daarood Ismaaciil iyo Tigree Ismaaciil

Post by MJ-Pride »

I cant read all that. What is he talking about Confused
muslim-man
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5500
Joined: Mon Apr 18, 2005 5:49 pm
Location: EXPOSING TFG THUGS & THEIR MASTERS

Re: Daarood Ismaaciil iyo Tigree Ismaaciil

Post by muslim-man »

mj,

nothing new sxb, It says " majeer10s are brothers of the tigreys" something we knew all along Cool
User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Re: Daarood Ismaaciil iyo Tigree Ismaaciil

Post by DawladSade »

didnt read it i just thought the title was interesting, maybe someone else can read it and summarize for us
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”