Reer Burco Dadka Ugu Dhaqan Somaalida Jecel!!!!!!!!!!!!!!!!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Reer Burco Dadka Ugu Dhaqan Somaalida Jecel!!!!!!!!!!!!!!!!!

Post by LiQaaye_TDH »

Jaamacadda Burco waxay horseedday dhaqan suubban oo loo ...


"Baariis adoon tegin ama Boon ka sheekayn, barashada dhulkaagaa, horta laga bogtaayoo, beryo laysku hawlaa"............Hadraawi



Marka hore aan idhaahdo hanbalyo dhammaan bulshada reer Somaliland, dedaalka ay sameeyeen iyo horumarka dhanka waxbarashada. Mar labaadka aan idhaahdo hambalyo shacbiga reer Awdal ee hormoodka u noqday Jaamacadaha Somaliland maanta ka hana qaaday. Waa wax lagu faano, waa horumar aad u ballaadhan mar haddii dhanka waxbarashada la marayo heer Jaamacadeed oo saddex magaalo ku kala yaalla. Yaanaan ilduufine jaamacaddii ugu muhiimsanayd ayaa iyaduna ka furantay magaalada Berbera. Waana jaamacad aan isleeyahay waxay wax wayn ka tari doontaa dhanka khayraadka badda oo aynu ku nahay qariib.



Intaa dabadeed, qormadani, waxay ku soo kacday ama dareenkeeda dhaliyey, dhaqan aad u quruxbadan oo ay samaysay Jaamacadda Burco. Waxaynu ognahay in marka Jaamacadaha laga qalin jebinayo --- Jaamacadaha adduunka intooda badan, la qaato koofiyad weyn oo dhaqan ahaan aanaan garanay halka ay salka ku hayso. Balse ay hubaal tahay inay salka ku hayso dhaqan "shisheeye". Mar haddii ay salka ku hayso dhaqan shisheeye, maxaa looga dhigtay dhaqan in Jaamacadda Cammuud iyo Hargeysa ay raacaan. Waa dhaqan yaraan, waa fiiro, la'aan, waa ku dayasho aan macno badani ku jirn. Ama waxa laga yaabaa inaan la isba weydiin ee la raacay uun sidii maraykanka iyo Ingiriisku samayn jireen --- waayo macallimiinta jaamacadaheenu waa goobihii ay wax ku soo barteen. Sidaa awgeed ugu yaraan waa inay u abaal celiyaan oo inoo soo dhoofiyaan dhaqankaas koofiyadda weyn sita.



Waar! geesisanaa! oo garasho dheeraa, oo fiiro dheeraa, oo dhaqanka jecelaa reer Burco.



Jaamacadda Burco ayaa kooxdii ugu horraysay ee ka qalinjebisa u soo xidhey dharkii "hiddaha iyo dhaqanka" Saddexqayddii iyo labadii go' ayaa lagu xarragooday, markii xafladda la fadhiyey. Quruxbadanaa oo qaalisanaa wax aad adigu gaar u leedahay. Jaamacadda Burco waxay horseedday qaab-dhaqan wanaagsan oo loo aayi doono, waxay muujisay siday ugu qabweyn tahay dharka quruxda badan ee "Hiddaha" ku aroora. Waa jid ay bilawday Jaamacadda Burco oo ay ku mutaysandoonto billad dahab ah. Akhristoow ila dheeho oo ila arag sawirrada quruxda badan ee ka muuqda ardaydii ka qalinjebisay jaamacadda Burco. Halkan hoose guji ama riix:



http://www.togdheernews.com/index.php?n ... le&sid=524



Ugu danbayn, waa maxay dhaqan? Inbadan ayaynu aragnaa dadka qaar ku doodaya, dhaqankii baa laga tegey, dhaqan reer galbeed ayaa la raacay. Dadka sidaa ku doodaa, iskuma dayaan in ay dhaqanka nooleeyaan ee afka ayuunbay kaga hadhay wax laga tegey iyo wax la qaatay toonna uma hayaan sharraxaad ee markay tooda marsanayaan ayuunbay galka seefta ka saaraan oo yidhaahdaa dhaqankiibaa laga tegey. Ilaa iyo kabacaddii odayaal ayuun baa lahaa dhaqankii baa laga tegey. Hadda ogsoonoow oo maanta odayaasha joogaa waa kabacaddii lixdamaadkii lagu eedaynayay in dhaqankii laga tegey. Halkaa macno badani kuma jiro wuxuu macnuhu ku jiraa oo qiimo leh wixii aad gaar u tahay bulsho ahaan´, waa inaad u haysataa summad aad kaga soocantahay dadka kale ama bulshooyinka kale oo aad soo bandhigtaa maalmaha qaar iyo xafladaha qaar.



Tusaale ahaan dharkii dadku xidhanjiray --- intii aynu dharka xidhnayn, illayn xilliyada qaar waaba la qaawanaaye. Waa inaad u haysataa summad ama baadi-sooc. Arooska iyo aroosaddu haddii ay soo xidhaan dharka hiddaha iyo dhaqanka, waxay summad u noqonaysaa arooska dadka soomaalida ah. Waxay noqonaysaa wax loo soo daawasho tago. Balse waxaad qiyaastaa marka arooska iyo aroosadda soomaaliyeed ay soo xidhaan suudh madaw iyo maro cad oo dabo dheer. Maxay qiimo inoo leedahay? dee waa waxba, waayo wax caalamka kale ku cusub maaha --Xiise badan looma qabo. Dhanka kale sida ay Jaamacadda Burco samaysay waa in aad indhaha caalamka iyo indhaha dadka da'yarta soomaaliyeed ku soo jeedisaa wax summad u ah dadka iyo dalka aad ku faanayso.



Qoraalkan waxaan ku soo afmeerayaa, hambalyo Jaamacadda Burco. Waxaan aad u hambalyeynayaa ciddii ama qofkii ama kooxdii go'aansatay in dharkaa dhaqanka ah loo xidho ardayda qalin jebinaysey. Waxaan ku dhiirri gelinayaa Jaamacadaha kale ee ku yaalla dalka inay ku daydaan Jaamacadda Burco oo ay koofiyadda weyn ee tii baaderiga u eg iska dhigaan oo qaataan dharka quruxda badan. Saddex-qaydda, boqorka iyo dhaclaha, jinjimaha, kuusha, labada go' ee ragga iwm. Filasoofoga soomaaliyeed, aqoonyahanka, abwaanka soomaaliyeed M I Warsame Hadraawi mar uu u bogay gabadh ku soo lebbisatay dharka hiddaha iyo dhaqanka, goob aroos ahayd ayuu ka tiriyey maanso la magacbaxday "Heego muuq-dheer" waxaana ka mid ahaa tuducyadeeda sidan.



Horyaalka da'day hadhuub la dhantaay
Hiddiyo dhaqan baad hagoogantahoo
Waxaad huwantahay hugii sharafka
Sidaad u habaysay heensaha
Hadoodilka muuqa higilkaaga
Haldhaaga sidiisa hooshaarka
Hilbaha kugu yaalla heemaalka
Hanqalkaad la kacdiyo hubkaad sidato
Hab-joogga timaa hal-qooqa leh
Hufnaanta xishoodka aad hogatay
Hawaarta ku saaran heeraarta
Hilqadaa boqorkiyo hariiryaha
Habuurka, udgoonka, soo haarka,
Sidii hayin haamo culus sida
Hubsiino dhaqaaqa hanashada
Hormaynta hannaanka laafyaha
Hal qaadka tallaabadaad hollatay
Lugtaad hakisaan hoggaansamay…………………Hadraawi,



Dhammaad



Nabad iyo caano

Qore: Sayid Maxamed Yuusuf "Dhegey"

Sweden
JeyR
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 468
Joined: Tue Aug 05, 2003 7:00 pm
Location: from

Re: Reer Burco Dadka Ugu Dhaqan Somaalida Jecel!!!!!!!!!!!!!!!!!

Post by JeyR »

Waa runtaa burco waa meel wanaagsan, horumar walba oo dhulka soomaliya laga sameeyo waa wax lagu farxo, gaar ahaan xaga schoolaadka iyo caafimaadkaba.. good work reer burco....halkaa ka wada
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Reer Burco Dadka Ugu Dhaqan Somaalida Jecel!!!!!!!!!!!!!!!!!

Post by LiQaaye_TDH »

Dadko markay Ka Baxaan Jaamacadaha Usually waxay xudhaan Koofiyadaha waa weyn Gaalado Xudhaato, Laakin Burco waxay Tiri Waa In Dhaqaan Keena aynaan ka tegin, oo xudhaana Hido iyo Dhaqan....

Just like this ones.. click on this link:

www.togdheernews.com/index.php?n ... le&sid=524




Jaamacadda Burco ayaa kooxdii ugu horraysay ee ka qalinjebisa u soo xidhey dharkii "hiddaha iyo dhaqanka" Saddexqayddii iyo labadii go' ayaa lagu xarragooday, markii xafladda la fadhiyey. Quruxbadanaa oo qaalisanaa wax aad adigu gaar u leedahay. Jaamacadda Burco waxay horseedday qaab-dhaqan wanaagsan oo loo aayi doono, waxay muujisay siday ugu qabweyn tahay dharka quruxda badan ee "Hiddaha" ku aroora. Waa jid ay bilawday Jaamacadda Burco oo ay ku mutaysandoonto billad dahab ah. Akhristoow ila dheeho oo ila arag sawirrada quruxda badan ee ka muuqda ardaydii ka qalinjebisay jaamacadda Burco. Halkan hoose guji ama riix:
User avatar
kkk47
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2261
Joined: Wed May 04, 2005 9:11 am
Location: It is my way or the high way no-land but Somaliweyn
Contact:

Re: Reer Burco Dadka Ugu Dhaqan Somaalida Jecel!!!!!!!!!!!!!!!!!

Post by kkk47 »

DHAQANKEE BAY JECEL YIHIIN?

MA KAN SOMALIA MISE SOMALILAND?
talyaaniman
Posts: 88
Joined: Mon Apr 23, 2007 4:02 am
Location: geela ayaan la joogaa dhulkana waa keymo badan dhexdood

Re: Reer Burco Dadka Ugu Dhaqan Somaalida Jecel!!!!!!!!!!!!!!!!!

Post by talyaaniman »

I like the ppl from burco realy they are so pure somali
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”