Walaalo Is Naca Waraabaa Iska Leh!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
kambuli
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17268
Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
Location: Proud Toothless Old Faqash Woman

Walaalo Is Naca Waraabaa Iska Leh!

Post by kambuli »

Somaaliyey si fiican dhegaha u furta:

Diintinna ka xishooda kolkii la idinka waayey...
Is deysta kolkii la idinka waayey.
Is jeclaada kolkii la idinka waayey.
Ha is dilina kolkii la idinka waayey.
Dalkiina hodanka ah ilaashada kolkii la idinka waayey.
Qabiil Qaran ma noqdo kolkii la idinka waayey.
Xaq darrada ha u hiilinina kolkii la idinka waayey.
10 indhood cadowga iskaga ilaali, 1-na sokeeyaha iskaga ilaali kolkii la idinka waayey..
Haweenka yaan la kufsan kolkii la idinka waayey...
Umulaha ha dooxina kolkii la idinka waayey...
Baddiina weyn Ilaashada kolkii la idinka waayey...
U naxariista ka qabiilka yar kolkii la idinka waayey..
Xaaraanta iska daaya kolkii la idinka waayey..
Gacmaha is qabsada kolkii la idinka waaye..
Tuugada iska daaya kolkii la idinka waayey...
Xasuuqa iska daaya kolkii la idinka waayey...
Beenta iyo huuhaada iyo caajisnimada kolkii iska daaya la idinka waayey...
Jaadka iska daaya kolkii la idinka waayey...

Waxaad maanta haysaan abaalkeedii....Dhulkii aad calfan weydeen ee haysan weydeen ee aad ku Xamdi niqi weydeen, waaka cadowgii aad dooneyseen soo galaye....Maxaa talo ah?

Ninkii wuxuu yidhi " Waa Goorma waa goor aan gacan xxxxxx galay eh" Sad
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”