This article really hits home... well the gist of it. Even the authors of Gedoweb admit that they have misplaced their judgement. Now I am not going to in to specifics (too bad DS' forum is down) but see if you agree with me on their opinion.
Faallo: Hogaankii Xildhibaan Barre Hiiraale oo loo darsaday
Nimcada marka uu ilaahay dadkiisa siiyo kuma shukriyaan, wayna u shalaayaan marka ay waayaan. Tusaale ahaan waagii uu allaha u naxariistee Maxamed Siyaad uu wadanka maamulayey dad badan ayaa u arkayey in hadii uu tago xaaladdooda gaarka ah iyo tan guud ee wadankaba ka wanaagsanaan lahaa sida uu ahaa
Laakiin markii uu tagay jaalle Siyaad waxay xaaladdu noqotay mid lagu quus-qaato oo argagax leh. Xildhibaan Barre Hiiraale anigu waxaan ka mid ahaa dadka siyaasad ahaan ka soo horjeeday, laakiin waxaan is gartay markii uu booskii siyaasadda SADE uu xildhibaanku ka baxay, mucaaradnimadaydana ay noqotay mid aanan waqtigeeda la socon.
Bini-aadamku ma dhama oo mar walba khalad wuu ka dhacaa, taasoo inuu cashar ku qaato loogu talagalay , si uu mar kale isaga ilaaliyo samaynteeda. Tan iyo waagii uu Xildhibaanku golaha siyaasadda uu baneeyey ama ka gaabsaday, SADE waxaa la soo gudboonaatay xanibaadyo badan, lagulana kacay ficillo badan oo bah dil ah, nin kale oo looga haybaysanayana la waayey.
SADE waxaa uu noqday biyo ul dhexda looga dhuftay. Waxay u qaybsameen kuwo sheeganaya xildhibaano oo Baydhabo qaadka ku cuna oo aad mooddo in aysan laba socon waxa ka dhacaya dalka gudihiisa, wax talo ahna aan laga qayb galin. Kuwo C/laahi hoos fadhiya oo xilal iyo jagooyin malagood galay marba waraaqad ka soo saxiixda iyo wareegto aan dhaafsiisnayn ha la ii magacaabo meel heblo. Kuwo iska dhex yaac ah oo meel ay u socdaan aananba garanaynin amaba wax qaban lahaa laakiin qaacidadu ay ka maqan tahay.
Waayadii uu xildhibaanku ka muuqday masraxa siyaasadda ee Soomaliya, SADE wax wayn bay u muuqdeen, laakiin hadda waxay noqdeen in xitaa qurbihii lagu nabadgelin waayey.
Aan tusaale u soo qaato xarigii xaqdarada ahaa ee loo gaystay siyaasiyiinta iyo ganacsatada SADE ee Nairobi joogay, Meeye kuwii sheeganayey inay SADE hormuud u yihiin ee oday dhaqameedyada ahaa, meeye kuwii sheeganayey siyaasiyiinta. Mise waxay SADE horjeege u yihiin markay iyagu wax doonayaan?.
La yaab iguma aysan noqon xariga siyaasiyiinta SADE, Laakiin waxaan la fajacay in la waayey dad ka hadla oo xitaa af ugu hiiliya oo cambaareeya. Afkii baa juuqda gabay, ayuu xaalkoodu isugu soo dhurtay. oo haddii ay hadlaan waxay ka baqayaan in ay wax ku waayaan
Waxaa xaqiiqo ah in xildhibaan Barre looga haybaysan jiray arimaha SADE laakiin markii lagu kacshay wax ma garad ka soo jeeda Beeshiisa,xaalku wuxuu ku biyo shubtay in mid mid loo ugaarsado.
Barre waxaa uu gaaray heer loogu hanjabo ku noolaashaha deegaankiisa, la isku dayo in la dilo ilaa uu kaba haajiray deegaanka Baardheere isagoo dhaawacan.
Qoraalkayga waxaan ku soo kobayaa SADOW haddii uu Hiiraale ahaa nin xun, soomaalidu waxay tiraahdaa "ninkaaga xun haddii aad dayacdo, nin kiisa xumaa wata ayaa ku dilaya". C/laahi Yuusuf majeerteen jacayl ay u qabaan uma dabasocdaan ee kuwa xun-xun ee qabaa'ilada kale ayay u haystaan.
http://gedoweb.com/index/modules.php?na ... le&sid=296
Gedoweb finally makes sense.
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- Warsame101
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1947
- Joined: Sun Feb 04, 2007 4:32 am
- Location: Muuri/Caabudwaaq/Kismaayo
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 1303 Views
-
Last post by Strategic
-
- 58 Replies
- 5895 Views
-
Last post by Robotic
-
- 20 Replies
- 1430 Views
-
Last post by qoraxeey
-
- 6 Replies
- 819 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN
-
- 0 Replies
- 356 Views
-
Last post by michael_ital
-
- 0 Replies
- 449 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 22 Replies
- 127 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 5 Replies
- 694 Views
-
Last post by misterioso
-
- 55 Replies
- 3012 Views
-
Last post by CUSHITE KINGDOM
-
- 7 Replies
- 783 Views
-
Last post by barbarossa