Taliyaha Ciidanka Bilayska Tuulada Dhoqshay oo dil Toogasha ah Lagu Diley
Taliyihii Rugta Booliska ee Tuulada Dhoqoshay Aadan Ibraahin Hure ayaa saaka Dil Toogasho ah lagu dilay Magaalada Burco.Taliyaha Saldhiga Dhexe Saleebaan Maxamuud Ubaxle dhege cade ayaa u sheegay Wariyaha golisnews in aan lahayn ninkii dilkan geystay laakiin ciidanka bilaysku ku daba jiro soo qabashadiida
Waxa uu Taliye Dhegacade intaas ku daray In Marxuunka Dhaawac ahaan lagu geeyaya Cisbitaalka balse uu Mudo ka dib ku geeriyooday Goobtaas
Taliyuhu waxa uu Cadeeyay in ay soo xidheen Sadex ka mid ah Raga Odayaasha u ah Ninka Falkan gaystay.
Marxuunka ayaa lagu aasay Maanta Xabaalaha Magaalada Burco, Taliyaha Ciidanka bilayska Tuulada Dhoqoshay ayaa dhaman dadka Reer Burco waxa ay ku xusuustaan Falkii Geesimada lahaa ee ku qabtay kooxda argagaxisadaha ee falka ka geystay dilka haweenaydii u dhalatay dalka Kenya una shaqaynaysay Hayada GTZ ee Germay,
Sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan Ninka falkan gaystay iyo Taliyaha la dilay waxa ay ka soo wada jeedaan isku Qoys
dhamaan Saraakiisha Ciidanka bilayska Waxay u tacsideynayaan Marxuumkaas in eheladii samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin
