


http://www.gedonet.com/files/taano.jpg
Shirkii Magaalada Jilib Oo Soo Afmeermay Iyo Qodobo Muhiim Ah Oo Laga Soo Saaray
Aug 08,2007
by Jilib-GEDO-NN
Shirar isdaba joog ah maalmahaan ka socday magaalada Jilib ayaa kii ugu danbeeyay oo looga hadlayay iska hormimaad labo cisho ka hor ka dhacay magaalada Jilib ee gobalka Jubbada Dhexe.
Shirkaani oo ay ka qaybqadanayeen odayaasha dhaqanka beelaha Sade iyo Sheekhaal, isla markaan goobjoog ay ka ahayeen gudoomiyaha degmada Jilib Daahir Doorow iyo siyaasiga sii hayaha maamulka Jubada Hoose Dr.C/risaaq Faarax Cali (Taano) laga soo saaray shan qodob oo ay ka mid yihiin:
1-Shanta nin oo dhimatay oo seddax ka mid ah ay kasoo jeedaan beesha Sheekhaal ninka dheeriga ah ay Beesha sade ka bixiyaan magdhow, iyadoo isla goobtii beesha Sade ay sabeentii iyo duugtii ay bixiyeen halka magtiina laga balamay.
2.Ciidamadii magaalada Jilib kabaxay in dib loogu soo celiyo.
3.Qofkii qof dil in dil toogasha lagu xukumo iyadoo wax mag ah oo ay laba dhinac kala qaataan aysan jiri doonin.
4.Hantida muuqato oo lakala haysta la isku celiyo
5.Inla isku dhafo labada ciidan.
Waxaa odoyaasha Beesha Shikhaal heshiiskaan u saxiixay:
1.Ugaas daahir Daleel
2.C/llahi Yare
3.Buurow Cali
3.Xuseen Xassan Cali
4.Cabdi Qoondeeye.
Halka Odayaasha Beesha Sade ay u saxiixeen:
1-Xassan Xaashi(Xassan Dheere)
2-Axmed C/llahi Labaale
3-Cabdi Kulane.
GEDO-NN-Kismaayo-News Desk