Mowshinkii Xukuumadda Geedi lacag fara badan baa lagu cunay'

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Mowshinkii Xukuumadda Geedi lacag fara badan baa lagu cunay'

Post by Hiiraan boy »

Xildhibaan Cabdi C/lle Saciid Jinni Boqor oo kamid ah Xubnaha Baarlamanka ee ololaha ugu jira la xisaabtanka Xukuumadda ayaa sheegay in ay sharci darro tahay sida Baarlamanka looga weeciyay ka doodista mowshinkaasi ku aadan la xisaabtanka Xukuumadda Geedi.

Jinni Boqor oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in lacagao malaayiin Dollar ah lagu qaatay sidii loo bad baadin lahaa Xukuumada Geedi ee xisaabtanka lala doonayay waxaana uu sheegay in arrintasi ay dhib u keeneyso kaliya shacabka.

Xildhibaan Jinni Boqor oo lagu yaqaanaa in uu aad uga soo horjeedo siyaasadaha dawladda madaxdeeda gaar ahaan arrinta ku aadan joogitaanka dalka ee Ciidamada Itoobiyaanka ee kaabaya kuwa dawladda.

Dhawan ayay aheyd marki la sheegay in R/Wasaare Geedi uu lacagihii mushaaraadkoodii siiyay Xubnaha Baarlamanka isla markaana uu qaarkood ku qanciyay in ay isaga haraan mowshinkaasi ku aadan la xisaabtanka Xukuumadisa.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”