FAYSAL WARAABE ''JAALLE RAYAALOW ADAA SAXSAN WAX KASTA OOD..

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

FAYSAL WARAABE ''JAALLE RAYAALOW ADAA SAXSAN WAX KASTA OOD..

Post by fagash_killer »

http://www.jamhuuriya.info/index.php?ar ... article.tp

what did i told you about this guy In Siyaad Barre time, faysal waraabe was working with Riyaale, both of them were working for siyaad to last minutes, Riyaale was senior spy and Faysal junior spy of NSS

At that time, Faysal motto was "Jaalle Siyaadow adaa saxsan wax kasta ood samayso"

In Egal time, Faysal’s motto was "Jaalle Egalow adaa saxsan wax kasta ood samayso"


And presently under Riyaale rule, Faysal’s motto is "Jaalle Rayaalow adaa saxsan wax kasta ood samayso"


Faysal first he is calooshii u shaqeeste, second he is qabiilist who only knows hate speech
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Re: FAYSAL WARAABE ''JAALLE RAYAALOW ADAA SAXSAN WAX KASTA OOD..

Post by fagash_killer »

jaalle Faysal agree that snm is defeated in 1988 Laughing keep spying for your nss boss i would say Laughing

Jabhada Wadi Kari Wayay Ee Siyaad Bare Dalka Ka Xorayn Kari Waayay Ayaa Leh Dalka Hanaloo Dhiibo' Faysal Cali Warabe
Somaliland.Org — Burco, Somaliland — 30 July, 2007
--------------------------------------------------------------------------------


"Marka nin doonayo inuu wax burburiyo, waxa uu dhalinyarada ku kiciyaa tollaayeey. Markaa.." Aadan Waqaf

Burco (Ogaal)- Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa mar kale shacbiga u soo jeediyay inay iska jiraan, wax ay ugu yeedheen siyaasiyiin kursiga u maray tolaay iyo fidno abuur ay ku doonayaan inay ku hantaan Kursiga.

Hogaanka UCID oo shalay hadal ka jeediyay kulan aqoon is waydaarsi ah oo xisbiga Uicd u qabtay dhalinyarada ku dhaqan magaaladda Burco, ayaa waxa ay dhalinyarada ku adkeeyeen inay iska jiraan habab ay sheegeen inay siyaasiyiinta qaarkood u maraan caadifada dhalinyarada. "Bulshadeenu ma xasuusato taariikhda, hadii aynu xasuusano kumaynaan dhacneen dhibatooyin badan, markaa maanta waxan idin xasuusinayaa taariikh ina soo martay. Sanadkii 1991-kii 18/ May waxaynu Burco kaga dhawaaqnay madaxbanaanideenii oo aynu soo helnay markay inaga luntay 1960 waxa lagu heshiiyay in Ururkii SNM laba sano loo dhiibo dalka beelihii kalana way inugu ixtiraameen waxana hogaanka dalka qabtay C/raxmaan Axmed Cali Tuur iyo Xasan Ciise, nasiib daro saxiibadood kumay ixtiraamin inay sugaan labada sano, xataa waxay Cabdiraxmaan iyo Xasan markay wax yar hayeen inay dalkii xoreeyeen taasna saxibadood kumay ixtaraamin ee waa kii dagaaladu dhaceen" sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo kulankaas ka hadlay, waxana uu intaas raciyay Gudoomiyaha UCID oo uu yidhi "Maanta 8 bilood ayaa u hadhay ninka reer Boorama xabad kumuu qabsan ee doorasho ayaanu la galnay, waxa maanta dalka ka taaganina waa waxyaabihii inqilaabku ka dhici jiray xukuumad musuqmaasuq ah oo aan wax-ba qabanaynin laakiin, maanta inaku taas diyaar uma nihin oo ma samayn karno....Mar walba nin kursi doonaya ayaa doonaya inuu dalka dumiyo waligiin miyaad aragteen nin siyaasiya oo dagaaladdii Sokeeye ku dhintay? ma jirto taasi kuwii Caddiraxmaan Tuur la dagaalamay ayaa jooga kuwii dagaalkii xiligii Cigaal ku jiray ayaa jooga kuwii baa maantana jooga mana hayaan si hufan oo ay cod ku gali karaan waxa la yidhaa Idoorku ninka uu Adhiga kala quusto ayuu u diraa Geela markaa ragii jabhada wadi kari wayay ee Siyaad Bare dalka ka xorayn kari waayay ayaa leh dalka hanaloo dhiibo" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Waxa kale oo isna halkaas ka hadalay Aadan Maxamed Mire Waqaf oo ah Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UCID oo sidoo kale la dardaarmay dhalinyarada aqoon iswaydaarsigaas ka qaybgashay, inay iska ilaaliyaan wixii dib u dhac ku keenaya waxana uu yidhi "Waxaad tihiin masuuliyiintii bari, waxaad tihiin qaybta bulshada ugu firfircoon waxa haboon inaad xor ka noqtaan mukhadaraadka iyo qabyaaladda ma jiro qabiil Dugsi idiin dhisi karaa mana jiro qabiil garoon idiin dhisi karaa ee qaran ayaa wax idin dhisi kara markaa aynu qarankeena ilaashano"

Aadan Mire Waqaf waxa uu ka daba maray Gudoomiyaha UCID hadalkiisa ah inay ka digtoonaadaan siyaasiyiin uu sheegay inay bur-burin wax ku doonayaan, "Marka nin doonayo inuu wax burburiyo, waxa uu dhalinyarada ku kiciyaa tolaayeey markaa iska ilaaliya kuwa doonaya inay idinka dhigtaan salaam wax ay ku burburiyaan"

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadalay Gudoomiyaha Ururka UCID ee UK iyo Gudoomiyaha UCID ee Gobolka Togdheer Cismaan Afgaab

Kulanka loo qabtay dhalinyarada ayaa ahaa mid ay ku baranayeen siyaasada iyo marnaamijyada Xisbiga UCID

Xigasho: Ogaal
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”