M.DHEERE WANTS TO CREATE EX.BANADIR. CASHO YUSUF SAIS NO
Posted: Wed Aug 08, 2007 10:05 am
Qilaaf kii ugu xooganaa oo soo kala dhaxgalay Cabdulaahi Yuusuf iyo Maxamed Dheere waa maxay qilaafka
Muqdisho
Qilaaf xoogan oo laga yaabo in xilka looga qaado Gudoomiyaha duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere ayaa soo kala dhexgalay madaxweynah DFKMG kaasoo ku saleysan qorsho uu doonaayo Maxamed Dheere in uu ku sameeyo maamul goboleed ay yeeshaan dhulka beelaha Hawiye taasoo siweyn uu uga biya diidanyahay Madaxweynah Cabdulaahi Yuusuf.
Qilaafkaan oo laga yaabo in uu keeno gacan ka hadal ayaan la ogeyn cidda xalin karta madaama labada masuul ay isku arkaan laba qof oo leh baawar cid cid arinteedana soo dhex gali kartana aysan jirin
Warkaan oo aan ka soo xiganay masuul sare oo ka tirsan DFKMG oo diiday in la shaaciyo magaciisa sabab la xariira dhinaca amniga.
Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo qorsheynaayo in uu badalo Maxamed Dheere ayaa baadi goob ugu jira cida uu ku badali lahaa madaama uu ka dhaga adeegay Maxamed Dheere qorshahana diiday in uu faraha ka qaado.
Maxamed Dheere oo waday maalmahaan dadaalo uu uga dhaadhicinaayo beelaha Hawiye in la sameeyo maamul goboleed u dhigma kan Puntland si beesha uga baxda si jiid jiidka siyaasadeedka soo jiitamaayey 17ka sano taasoo intabdan beelaha Hawiye ay soo dhaweyeen.
Maxamed Dheere ayaan la ogeyn in uu yeeli doono xilkaqaadista la rabo in lagu sameeyo iyadoona horey ay isku qilaafeen Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere xiligii ay dowlada DFKMG ay isaga huleyleysay magaalada Jowhar xiligaas oo meediyaha ay isku weydaarsadeen hadalo kul kulul.
Qorshaha uu wado Maxamed Dheere ee maamul goboleedka loogu sameynaayo dhulka beesha Hawiye ayaa ah mid ay wax kawada Dowlada Itoobiya oo iyadu aad u baadi goobeysa in ay hesho saxiibo xoogan oo ka soo jeeda beelaha Hawiye si uu ugu yaraado culeyska ka heysta magaalada Muqdisho