Page 1 of 1

silanyo has competetion for chairman of kulmiye

Posted: Wed Aug 08, 2007 4:05 pm
by The_Emperior5
Dr Axmed Xuseen Ciise Oo Isu Soo Sharaxaya Jagadda Madaxweyne Ee Xisbiga KULMIYE
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 08 August, 2007
--------------------------------------------------------------------------------


Hargeysa (Somaliland.Org) Warar ka imanaya caasimadda Hargeysa oo aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya in in Xoghayihii Arimaha Dibada Ee Xisbiga KULMIYE Dr Axmed X Ciise uu maalinimada barito ku dhawaaqi doono in uu u sharaxan yahay jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga KULMIYE.

Dr Axmed Xuseen Ciise ayaa shantii sanadood ee ugu danbeeyey ahaa Xoghayaha Arrimaha dibedda ee xisbiga KULMIYE.

Sida wararkaas sheegayan Dr Ahmed Xussein Essa ayaa la sheegayaa in maaanta uu shir la galay Gudoomiyha xisbiga KULMIYE, Axmed Silaanyo. Ma cada waxa labada masuuliyiin kawada hadleen, waxaase la filayaa in Dr Axmed Ciise u guddomiye Silanyo ku wargelinayay damciisa siyaasaded.

Arintan ayaa hadii ay rumowdo la filayaa in ay muujinayso sida Xisibiga KULMIYE uga duwan yahay labada xisbi ee kale, maadaama uu dhexdiisa ka jiro tartan dimuqraadiya oo loo tartamayo jagooyinka ugu sareeya ee xisbiga.

Dhinaca kale Dr Axmed Xuseen Ciise iyo Madaxda xisbiga KULMIYE ayaa in badan hore ugu celceliyey in waxii tartan ah ee ka dhexeya madaxda xisbiga uu ku koobnanayo xisbiga gudahisa iyo shirweynaha xisbiga, hase yeeshee aan saxaafadda lagu soo bandhigayn oo laysku eryanay. Sida muuqata go'aanka Dr Axmed uu ku damacsan yahay in uu berrito saxaafadda ugu soo bandhigo damaciia siyaasaded waa mid kaas hore ka duwan, isagoo sidaas ku sheegay dhowaan markii uu kasoo laabtay safar uu dalka dibadiisa ugu baxay.

Xisbiga KULMIYE ayaa lagu wadaa in shirweynahii xisbigooda uu qabsoomo dhamaadka bishan, sida ilo xog ogaal ah sheegeen

Somaliland.Org

Re: silanyo has competetion for chairman of kulmiye

Posted: Wed Aug 08, 2007 4:09 pm
by LiQaaye_TDH
I was confused about this article for a long time as well...

Silaanyo waxu isko Sharaxaya Madaxweeyne Jamhhuriyada Somaliland, Xisbiga Kulmiyena Nin Cusub iya Hogaamiye Ka Noqonaya....