Page 1 of 1

Cabdilahi Sh.Xasan Makes a fool out of TFG SDH and their Del

Posted: Fri Aug 10, 2007 1:54 pm
by Karbaash_killa
Khudbad uu Cabdilahi Sh Xasan ka jeediyay Shirka dib u heshiisiinta oo xiisado badan ku abuurtay Somalida
Posted August 9th, 2007 by Baraxley

* Somali

(BARAXLEY MEDIA): Muqdisho Ex Afhayeenka Golaha Hawiye Cabdilahi Sheekh Xasan ayaa shirka dib u heshiisiinta Muqdisho ka jeediyay khudbad xamaasad badan huwaneed oo lagu qiyaasi karay inay ahayd mid uu ka shaqeeyay oo cilmi iyo diblomasiyada uu ku cabiray.

“Waxaan maqlay inaad dhahdeen waa dhamaatay qabyaaladii oo waa laga gudbay,wuxuuna shirka u gudbay wajigii siyaasada laakiin ma arko,indhaheeyguna ma qabtaan siyaasi la yaqaan oo shirka jooga,waxaana fadhiya ergadii beelaha ee hore uun shirka u joogay,sidaas daraadeed isbedel ma jiro,waana sidiisii hore,hadaba maxaa bulshada loo qaldayaa”ayuu ku daah furay khudbadiisii.

Cabdilahi Sheekh Xasan wuxuu erayadaas ku xejiyay ,tusaalooyin sharciga uu ku saleeyay oo ku wasaqeeynayay qaabka uu shirka ku socda,wuxuuna waydiiyay,ma mid nidaamkiisu degsan yahay oo gacan taag ,lagu meelmarinayaa,mise qofkii shirka ka xanaaqo waa laga daba tagayaa ,waana la soo tuugayaa

“Dadka inaan sirna maaha,lana qiyaameeyo maaha,ee waa in runta laga hadlaa,waxaad leedihiin baarlamaanka inaan furnaan rabnaa oo Xukumada dibada laga qaadan karo,maxaad beenta u sheegeysaan,ma idinkaa ragaas hoowlahooda geli kara”ayuu ku celceliyay Siyaasigga Cabdilahi Sheekh Xasan.

Cabdilahi Sheekh Xasan oo khudbada si gaara ugu durayay Cali Mahdi,wuxuu ergada waydiiyay ,dowlad wanaaga aad ka hadleeysaan ma inaan tan wanaajino oo toosinaa,mise Mustaqbalka ayaan ku sii xisaabtaanaa?

“ Shirka waxaa hogaankeeda ku jira oo meesha fadhiya rag Madaxweynenimada dalka soo maray laakiin maaha si sharciya oo malaha door nidaamsan oo la tixraaci kara.

Cabdilahi Sheekh Xasan oo inta khudbadiisa uu watay ay shirgudoonka ku fooriyeen,waxaa markii laga qasay khudbada,waxaana biloowday buuq iyo isla tirsi ugu dambeyn sababay in lagu celiyo hadalka.

Si kastaba ha ahaatee,khudbada Cabdilahi iyo Kalmadaha uu adeegsanayay,waxay Soomalida ka dhex abuureen xiisado isbarkan oo bedelay dareenka taageerayaal badan oo shirka taabacsanaa.taasina waxay sababtay in shirgudoon ku xigeenka shirka uu Cabdilahi Sheekh Xasan ku tilmaamo nin iska hadlay oo shaqsiya.

Emailadii ugu badnaa ayay noo soo direen qurba jooga Soomaalida oo la dhacsanaa qaabka xaqiiqada xambaarsan ee Cabdilahi Sheekh Xasan u abaaray qaladaadka shirka iyo maamul xumada qabqablayaasha hogaanka u haya.

Shirka ayaa lagu waday in looga doodo siyaasada laakiin wali waxaan muuqan xubnahii muhiimka u noqon karay hana qaadka wada hadalada xasaasigaa ee shirka