
Ma Rayaale Iyo Siilaanyaa Wada Ciyaaray, Mise Awdal Iyo Togdheer?
--------------------------------------------------------------------------------
()
hadhwanaag 2007-08-11 (Hadhwanaagnews) Daqiiqado yar gudohood ayaa jaran-jarooyinkiisa duuga ah ee basaastu dishootay isu badaleen qaar dad la ciir-ciiraya oo culayskooda hayn karri la. Laakiin, marka dhan kale laga eego taasi naruuray u ahayd, waxaanay ka yeeshay muuqaalkiisa mid qurux badan, islamarkaana helay dahaadh ka nasiya falaadhaha cad-ceeda ee dil-dilaaca iyo qaraxyada wajigiisa u yeelay. Daqiiqad-ba daqiiqadii ka danbaysay ayaa tirada dadku goobtaa ku soo kordhaysay. Qof kastaaba wuxuu u ekaa mid garanayay wuxuu goobtaa u tagay, guud ahaana waxa laga dareemayay shucuur xamaasiya oo ay wadaagayeen baddi.
Dabcan, waxa xoog u karaya oo heer kulkiisu shidan-yahay jawiga siyaasadeed ee Somaliland. Ficil ahaan waxa taagan khilaafaad iyo is maan-dhaaf xadkiisu gaadhay illaa wada shaqayntii Golayaasha dawlada. Waxa kal-koodii soo fool-leeyahay doorashooyinkii kala duwanaa ee loogu baratami lahaa, hanashada kuraasta kala duwan ee heerarka hogaaminta talada dalka. Laakiin goobtu ma ahayn madal siyaasadeed, tar-tanka ka dhacayay-na ma ahayn doorashada madaxtooyada ee soo socota. Balse, meeshu waxay ahayd garoonka kubada cagta ee magaalada Hargaysa oo ay shalay ciyaar xiisa lihi ku dhexmartay Gobolada Awdal iyo Togdheer. Waxa ka qayb-galay kumanaan dadweyne ah, masuuliyiin dawlada ka tirsan, siyaasiyiin iyo xildhibaano baarlamaanka ka tirsan. Way iska cadahay shucuurta loo baahan-yahay in lala tago garoon-kaas oo kale, waayo, ciyaaruhu xor-bay ka yihiin kala qaybinta iyo caadooyin badan oo kale oo curfiga siyaasada caan ku ah. Hase ahaatee, jareexada, kaftanka iyo jiibta kala taageerista labada kooxood waa mid daruuri ah, dhaqan ahaana xamaasadeeda leh. In kasta oo sunahaa ciyaaruhu uu ka muuqday Garoonka, hadana, waxan ka madhnayn saamayn siyaasadeed oo shucuur ahaan dareenka taageerayaasha ku badnayd. Marka laga tago garoonka ee la eego Gobolada laftooda waxa jiray dad khadka telefoonka nagula soo xidhiidhay intii ay ciyaartu shalay socotay, kuwaasoo doonayay in wax looga sheego hadba halka ay ciyaartu maraysay. Ma qarsoona in ciyaaruhu maanta dunida ka yihiin ganacsi caalimi ah oo magaciisu sareeyo, nidaamkooduna shuruuc ahaan yahay mid madax-banaan oo ka bar-bar shaqeeya hababka dawliga.
Islamarkaana, xiisaha loo hayaa uu yahay mid dhaqaajiya quluubta dad-ka madax iyo mijo-ba. Balse, dadka khadadka telefoonka nagula soo xidhiidhay iyo qaybo badan oo daawadayaashii ka mid ahaaba, waxay ka sinaayeen oo intaa u dheeraa dareen siyaasadeed. "Walaal faalka siyaasadu meel walba wuu galaa, markaa sidaas darteed ayaan u xiisaynayaa ogaanshaha halka ciyaartu marayso, oo aan idiin soo wacay" sidaa waxa yidhi nin nagala soo xidhiidhay magaalada Burco, xiligii ay ciyaartu shalay socotay.
Sidoo kale, qaar ka mid ah bulshada reer Awdal gaar ahaan kuwa dagan Boorama qaar ka mid ah ayaa iyana khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay wargayska Ogaal, "Waar maantana kooxdayadii miyaa la shiiday ilayn, Ciyaartii reer Hargaysa siyaasad-bay u rogeene." Sidaa waxa yidhi mid ka mid ahaa dadkii nagala soo xidhiidhay magaalada Boorama
Ciyaartu ma ahayn mid dhex maraysay Madaxweyne Rayaale iyo Axmed Siilaanyo, balse waxay kubadu dhextaalay Gobolada Awdal iyo Togdheer oo ay dhalasho ahaan ka soo kala jeedaan labadaa siyaasi. Laakiin, taageerayaasha qaarkood iyo qaybo kale oo aan garoonka ka xaadirin, ayaa fasirka hiilkoodu ahaa mid siyaasad ka duulaya. "Maadigoo Siilaanyo arkaya ayaad Daahir Rayaale taageeraysaa?" sidaa waxa ku tiraabay nin dhalin-yaro ah oo ka mid ahaa taageerayaashii shalay sacabka u tumayay Gobolka Togdheer oo ku sugnaa garoonka. Badheedhahaas kali kuma ahayn ee waxa la jiibinayay dad badan oo kale, balse waxay odhaahdaasi ka soo baxday ka dib markii nin kale oo ay isku dhawaayeen uu waydiiyay cida uu taageerayo, isla-markaana uu ugu jawaabay, "Annigu Awdal ayaan taageere u ahay." Taageerahan Gobolka Awdal sacabka u tumayay wuxuu u ekaa mid ay codkiisa qariyeen dhawaaqa taageerayaasha ka soo horjeeday oo ka tira badnaa. Sidaa aawadeed, wuxu u celiyay saaxiibkii, "Ma dul joog-no sanduuqii codadka loogu gurayay Rayaale iyo Siilaanyo, e waxaynu daawanaynaa ciyaar xiiso leh oo u dhaxaysa Gobolada Togdheer iyo Awdal."
Sida qaalibka ah kuhaanka iyo faalku waa dhaqamo ay dadka qaar marar-dhaamo uga dhigtaan dhinaca saadaasha. Sidaa awgeed dad badan oo garoonka joogay iyo qaybo badan oo bulshada ka mid ah oo goobaha lagu kulmo kaftanka ciyaarta iyo loolanka siyaasada is bar-bar dhigaysayba, waxay ciyaarta uga shidaal qaadanayeen saadaal ahaan. "Awdal Hargays way ka badisay, maantana haday Togdheer ka badiso, doorashada soo socotana Madaxweyne Rayaale ayaa ku guulaysanaya, markaa kursiga iyo koobkaba Awdal-baa isku darsanaysa. Haddii kale, oo Togdheer badisana saadaashu dhanka kale ayay u egtahay." Sidaa waxa yidhi nin ka mid ah dadka arrimaha siyaasada ku foogan.
In kastoo aadamuhu hibashada doonistiisa ku maaweeliyo waxyaabo aan taabashadoodu maqantahay, hadana qaybku waa mid maqan oo ruuxba sida uu jecel yahay u saadaalinayo. hase yeeshee shucuur kasta oo garoonka taalayba, waxa soo khatimay hanaan-kii ciyaareed ee labada kooxood oo ahaa mid hufan oo raali-galiyay daawadayaashii, islamarkaana sababay in ciyaartu si xarago leh ku dhamaato. "Wixii hada ka danbeeya, goobaha lagu qabanayo ciyaaraha Goboladu waa inay wareegto u noqotaa Gobolada dalka oo sanad-ba mid lagu qabtaa" Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah taageerayaashii reer Awdal. Laakiin, tabashada weedhaasi waxaanay ku xisaabtamin daymada dhalin-yarada reer Boorama ee wali eegaysa gagidii dhagaxa la dhigay kal hore iyo maqnaanshaha garoonkay filayeen. Hase ahaatee, arradkaa kali kuma aha ee wuxuu u muuqdaa mid ay la wadaagaan Gobolada dalku. xitaa kan Hargaysa ee gidaarkiisu dhul-boobka ka bad-baadiyayna ha noqotee, ma jiro baloodh loo asteeyay in laga dhigo garoomo iyo qorshe lagu soo noolaynayo ciyaaraha oo lagu hagaajinayo garoomadii yar-yaraa ee hore oo qaarkood hada guryo laga dhistay.Sidaas darteed waxa la odhan karaa siyaasadu maanta waxba uma aha bahda ciyaaraha.
Wargeyska Ogaal
Submited By hadhwanaag : 2007-08-11