Nasteexo Ku Socoto Dhamaan Dhalinyaradda Ku...

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Abumascuud
Posts: 4
Joined: Wed Aug 15, 2007 12:10 am

Nasteexo Ku Socoto Dhamaan Dhalinyaradda Ku...

Post by Abumascuud »

Asalamu Caleykum Waraxmatulaahi Wabarakatuh

Waxaa la yaab ah dhalinyaradda Soomaaliyeed ee bogga somalinet ku xaajoodaan in ey had iyo jeer ku sheekestaan qabiilka iyo waxaa ku saleysan hadba waxaa isweydiin mudan dhalinyarow dalki hooyo waa taa aad u jeedaan hagardaamadda iyo murugadda ey ku jurto waad u jeedaan halki laga rabey in aad ku fakirtan war heedhe see baan ugu caawinlahay dalkeygi hooyo walow 1 $ ku bixin lahay tusaalo yar hadaan halkan ku nuxnuxsado waddooyinka gobolka bari gaar ahaan magaalo madaxda gobolkaasi ee bossaso see baan ugu kaashanlaheyn in aan wax ugu tarno ama Lacag aruurin (Fund Raising) iwm.

Marka dhalinyarow nasteexaada wey furantahay qabiilka waa mindi laba af leh sida wanaagsan hadaad u isticmaashid sida diinteena Qaaliga ahi ey nagu tilmaamtey Alle Subxaanahu Wa tacala wuxuu yiri (wa jacalnaakum shucuuban wa qabaa'ila li taxaarafo ina akramakum cindalaahi adqaakum). Kolka gunaanadda nasteexadeyda waxaan ugu soo gaabinaaya qabiilku waa kala labo (Qabiil iyo Qabyaaladd) yaanan la isku shaandeynin.

Wabilaahi Altawfiiq

W/Q Abu Muscab
Seattle,Washington
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Bari”