Ciidamo ka tirsan DF oo xalay dhexdooda is dilay.
Muqdisho -Arbaco , Aogust , 15 , 2007 Waagacusub.com
Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ee Somalia kuna sugnaa xaafada Toowfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa xalay israaseyn culus dhex martay, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababaha keenay inay iyaga dhexdooda isku soo jeestaan.
C/qaadir Cali Dige oo kamid ah Saxafiyiinta Muqdisho isla markaana degan xaafada Toowfiiq ayaa saakay qadka telefoonka iigu xaqiijiyay in xalay ay labadaan ciidan oo ka wada tirsan Dowlada Federaalka ay si aan horey loo arag isku rasaaseeyeen.
C/qaadir waxa uu xusay inay jiraan qasaaro soo gaaray ciidamada israaseeyay naftooda iyo qaar kamid ahaa shacabkii ku dhaqnaa agagarka goobta ay isku fara saareen ciidamada Dowlada.
“Inta aan ogahay hal askari ayaa la ii sheegay inuu ku dhintay iska horimaadkii xalay labada ciidan dhex martay, dhaawacyo soo kala gaaray ciidamada iyo shacabna wey jiraan balse xiligaan lama sheegi karo qasaaraha oo rasmi ah” ayuu yiri C/qaadir Cali Dige.
Cabdiqaadir waxa uu sheegay in saakay goobta ay isku fara saareen ciidamada ka wada tirsan DF uu tagay Cali Mahdi Maxamed oo Dowlada KMG ah u magacowday Guddoomiyaha shirka dib u heshiisinta beelaha Somalia, isagoo ay wehliyaan ciidamo aad u fara badan oo Itoobiyaan ah iyo saraakiil sar sare oo ciidamada Itoobiya ka tirsan.
Xaalada Towfiiq ayaa saakay degan, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababaha keenay inay israaseeyeen ciidamadaan halka dowlad ka wada tirsan, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay israsaaseyn dhex mari jirtay ciidamada oo kala dhici jiray qoryaha ay wataan iyo telefoonadaha gacmaha lagu qaato
Dhinaca kale, weerar culus ayaa xalay lagu waaday xarunta Guulwadayaasha oo ay degan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah.
Dadka deegaanka ayaa soo wariyay in hal mar ay israsaaseyn xoogan bilaabatay iyo madaafiic dhowr ah, iyadoo dadka qaarkood ay sheegayaan inay arkayeen wadooyinka xaafadaha u dhow dhow xarunta guulwadayaasha oo ay aagag ugu jiraan kooxaha weerarada ku haya ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowlada KMG ah ee Somalia.
Wali lama sheegin qasaaro halkaasi kasoo gaaray ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxdii weerarka soo qaaday, iyadoo ciidamadana ay saakay bilaabeen sidii caadada u aheyd inay baaraan goobaha u dhow dhow xarunta, isla markaana ay xiraan dhalinyarada xaafadahaasi ku dhaqan qaarkood.
Si kastaba, weerarada lala eeganayo ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo arrimahaan ay kusoo beegmayaan xili maamulka gobalka Banaadir uu ku faanayo in ammaanka gobalka wax weyn uu ka qabtay xiligii uu xilka qabtay.
Kooxada Mbagathi Turn on Each other
Moderator: Moderators
- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 297 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 3 Replies
- 221 Views
-
Last post by NoAngst.
-
- 42 Replies
- 1565 Views
-
Last post by Shirib
-
- 3 Replies
- 1132 Views
-
Last post by suga_n_spice
-
- 0 Replies
- 320 Views
-
Last post by Biif Baaf
-
- 12 Replies
- 744 Views
-
Last post by Somali-Transporter
-
- 9 Replies
- 45 Views
-
Last post by Koronto91
-
- 3 Replies
- 391 Views
-
Last post by *Arabman
-
- 0 Replies
- 246 Views
-
Last post by Biif Baaf
-
- 0 Replies
- 314 Views
-
Last post by Biif Baaf