Page 1 of 1

War deg deg ah: Dagaal xoogan oo ka bilwoday agagaarka xerad

Posted: Thu Aug 16, 2007 9:28 pm
by Somali-Transporter
Dagaal xoogan ayaa waxa uu ka Bilowday inta u dhaxeysa wasaaradii hore ee G/dhigga iyo xeradii hore ee Guulwadayaasha ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, iyadoo la maqlayo rasaas culus.


Dagaalkaan oo bilowday abaaro 9:30 Pm ee fiidnimadii caawa ayaa waxa uu yimid ka dib markii kooxo aa la garaneyn ay weeraro ku qaadeen aaggaasi oo fariisin u ah ciidamada dowladda.

Dadka deegaanka oo shabelle la soo xiriirey ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayaan qaraxyo loo adeegsanayo baasuukayaal iyo rasaas culus oo la is weydaarsanayo,

Lama oga wali qasaaraha ka dhashay iska horimaadkaan oo wali