WAAXBA KA MAA JIRAAN !

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

wadaniweyn1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2325
Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm

WAAXBA KA MAA JIRAAN !

Post by wadaniweyn1 »

Puntland” Anagu Manaqaan meel Uu Ka Jiro Iyo Cid Uu Utaliyo Maamulka Maakhir St

(Garoowe}19.8-7
Maamul Goboleedka Puntland ayaa wax aan jirin ku tilmaamtay maamul goboleed dhawaan lagaga dhawaaqay qaybo kamid ah gobolka Sanaag………………………………..

Wasiirku xigeenka arimaha Amniga Puntland Faarax Cabdi Doorshe ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay amniga dowlad goboleedka Puntland islaamarkaasina beeniyay maamul lamagac baxay Maakhir State.

Wasiirku xigeenka arimaha Amniga dowlada gobleedka Puntland Faarax Cabdi Doorshe ayaa sheegay in amniga guud magaalooyinka Puntland uu iminka wanaagsanyahay.

Wasiirku xigeenka arimaha Amniga Puntland Faarax Cabdi Doorshe ayaa sidoo kale sheegay in uu ciidamda booliska Puntland ay xoojiyeen arrimaha nabada iyo waliba hormarinta xasiloonida gobolada Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu beeniyay maamul lamagac baxay maakhir state waxaa uuna sheegay in uusan ahayn wax jira isla markaasina aysan aqoonsayn ogayna meelaha uu ka taliyo maamulkaas.

"Labo qof oo guri isku soo xirto micno samayn mayaan waxa ay isku sheegaan dadkana uma talin karaan run ahaantiina arrintaasi waa arrin aan waxba ka jirin" ayuu yidhi Wasiirku xigeenka arimaha Amniga Puntland Faarax Cabdi Doorshe,

.widhwidhonline@gmail.com

Widhwidh Online News Desk..Media Center
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”