

MOGADISHU - La yaab ma lahan in hadii reer-galbeed la raali gelinayo lagu dhaqaaqo dhaqamada xun xun ee ay ku hayaan umadda Islaamka ah ee ku nool daafaha Caalamka.
Ma yara tacadiyada xadgudubka ah ee ay Shacabka Islaamka ah ee Soomaaliyeed ay kula dhaqaaqayso Dowladda KMG oo kaashanaysa Dowladda ay saaxiibka yihiin ee Ethiopia.
Ciidamada Dowladda meel ku gaarka ayaa caadaystay mudooyinkii ugu dambeeyey in ay xoog ku khafaashaan dad aan waxba galabsan oo ay ku eedeynayaan in ay wax ka ogyihiin weerarada abaabulan ee aalaaba iyaga sida joogtada ah loola beegsado.
Waxa ay qabtaan cid alaale iyo cidii ay ka muuqato Sunada Nabiga CSW, iyagoo masaajidada xitaa kala baxa dadka, hadana waxaa taasi kasii daran in ay haatan Dowladda KMG usoo dhigatay Dugsiyadii Qur’aanka Kariimka ah lagu baranayey.
Maalin ka hor ayaa waxaa dhacday in ay Ciidamo ka tirsan Dowladda meel ku gaarka ay macalin Dugsi ka khafaasheen xaafadda Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho.
Dadka deegaanka oo arkayey xilligii Macalinkaasi la kaxaysanayey ayaa sheegay in ay maqlayeen ciidamada oo ku leh Macalinka “Wixii Dugsi Quraan ah oo aan loox lagu dhigeyn waa dugsigu argagixisanimo lagu barto” iyo ereryo kale.
Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay tacadiga ay Dowladda KMG iyo Ethiopian-ka kaalinaya ay ku hayaan Shareecada Islaamka, iyagoo isleh aad mansab-siyaasadeed ka heshaan reer-galbeedka.