Fadhiisinka Col. FutoGadud Oo Ay Kubaxeen Tikniko Katimi Kis

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Alta Vista [Bot2]
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 497
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
Location: Carriga Ingiriisiga

Fadhiisinka Col. FutoGadud Oo Ay Kubaxeen Tikniko Katimi Kis

Post by Alta Vista [Bot2] »

Fadhiisinka Col. AfGaduud Oo Ay Kubaxeen Tikniko Katimi Kismaayo

News (Kismaayo}24.8-7
In kabadan toboneeyo tiknikada dagaalka ah iyo gaadiid kale oo ay saran yihiin ciidamo xoogan ayaa ka ambabaxay magaalada Kismaayo iyagoo ku sii jeeda Degmada Baardheere ee Gobolka gedo.................................

Ciidaman iyo gaadiidkan dagaalka ah ee tiknikada ayaa waxaa hogaaminaya sarkaal sare oo ay ilmo adeer yihiin Barre Hiiraale oo lagu Magacaabo Maxamuud cali shire oo dowlada federaalka somaliyana ka haya jagada ah madaxa madaarka diyaaradaha ee kismaayo.

Lama oga ujeedooyinka ambabaxa Ciidamadaan ku wajahan Magaalada Baardheere oo fadhiisinka u ah koox ciidamo ah oo uu wato Barre Hiiraale oo tan iyo markii xilkiisii wasaarada Gaashaandhiga laga qaaday fadhiisin ka dhigtay Baardheere.

Warar laga helayo saraakiil ku sugan gudaha kismaayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamadan ay xoojinayaan ciidamo kale oo ku sugan Baardheere si loo la socda dhaqdhaaqa Ciidan ee uu ka wado Col: C/risaaq Yuusf Maxamuud Afgaduud Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay oo daris la ah Baardheere.

Inkasta oo Xildhibaan Barre Hiiraale uu ku maqan yahay wadanka dibadiisa oo looga dabiibayo dhaawacii ka soo gaadhay qarax lala beegsaday dabayaaqadii Bishii Juun ayaa hadana waxaa Baardheere ku sugan maleeshiyooyin ku hubaysan baaburta dagaalka oo wali ka amarqaata uuna haatan Madax u yahay Kornayl lagu magacaabo Aaden Maxamed Wacays ( Koronto).

jordan....widhwidhonline@gmail.com

Widhwidh Online News Desk..Media Center

http://www.radiowidhwidh.com/html/modul ... e&sid=7957
Alta Vista [Bot2]
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 497
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
Location: Carriga Ingiriisiga

Re: Fadhiisinka Col. FutoGadud Oo Ay Kubaxeen Tikniko Katimi Kis

Post by Alta Vista [Bot2] »

Ciidamada lagu ururinayo Degmadda Diinsoor ee gobolka Bay ma kuwo loogu talagalay in ay Isbaarooyin halkaasi ka qaadaanbaa, mise Kismaayo ayey duulaan milatari ku soo yihiin?
Waa su’aasha Kismaayo dadka ku dhaqan jahwareerisay!!
Kismayo, Somalia - Maalmahanba degmadda Diinsoor ee gobolka bay waxaa ku sugnaa ciidamada katirsan kuwa dowladda KMG ee Somalia oo dhaqdhaqaaq ciidan oo xoogan halkaasi ka wada, islamarkaana dadka deegaanka ay xaqiijinayaa inay arkeen gaadiidka dagaalka oo tiradooda aan la cayimin iyo ciidamo wata dress-ka dowladda federaalka ayaa waxaa ay ciidamadaasi soo ifbixisay shakiyo fara badan oo yaalla magaalada Kismaayo iyo meela katirsan gobolada Jubbooyinka.

Dadka ku dhaqan magaalada kismaayo ayaa siyaabo kala duwan u fasiraya ciidamada soo gaaray degmada Diinsoor iyo ujeedooyinka rasmiga ah ee ka danbeeya tagitaankooda degmadaasi ,dadka intooda badan ayaa sheegaya in ciidamaasi ay ku soo wajahan yihiin magaala xeebeedka Kismaayo oo ay suurtagal tahay inay weeraro ku soo qaadaan,halkaasna ay isku urursanayaan,iyadoo markaad eegta goobaha dadku ay ku kulmaan ay maalmahan hareysay hadalheynta ciidamada soo gaaray Diinsoo.

Qaar ka mid ah dadka ayaa ra’yi kaa kaduwan qaba oo waxaa ay leeyihiin ciidamadan waa kuwa dowladda Somalia ay ugu talagashay inay howlgalo jidgooyooyin lagu qaadaya ka fuliyaan wadooyinka soo gala degmadda Diindoor oo dhawaanahan kooxa maleeshiyaad ah ay isbaarooyin sharci darro ah dhiganayeen.

Qeybahan bulshada reer Kismaayo ee fekradahaasi kala tagsan aaminsan ayaa ku nuuxnuuxsanaya in haddii ciidamadaasi ay go’aansadaan duulaan ay magaalada kismaayo ku soo qaadaan ay xaaladda ammaan ee hadda la heystaa faraha ka baxeysa,islamarkaana dad aan waxba galabsan ay saameyn ku yeelan karaan rabshada markale ka soo cusboonaada guud ahaan gobolka oo xaaladda deganaansho laga dareemaya tan iyo bishii june ee sanadkan,markaasoo ay fooda is dareen ciidamo wada taabacsanaa dowladda KMG ee Somalia.

Kismaayo oo keliya ma ahan meelaha sida aadka ah looga hadal haya ciidamadda jooga Diinsoor ee sidoo kale degmada Bu’aalle ee xarunta gobolka J/dhexe ayaa ammuurtan ay dhex taalo oo haddii ciidamadaasi ay damacsan yihiin inay u soo gudbaan magaaladda kismaayo wada ahaan ay soo marayaan Bu’aalle, dadka degmadaasi ayaa ka war dhawraya tallaabada ay qaadaan ciidamada Diinsoor fariisinka ka sameystay,waxaana marka aad la xiriirta ay kuu sheegayaan in uu jira culus milateri oo ay ka dareemayaan dhinaca gobolka Baay oo gobolka J/dhexe ay deris yihiin.

Inkastoo saraakiisha horkaceysa ciidamada la sheegaya inay ku sugan yihiin degmada Diinsoor aysn gebi ahaanba ka hadlin ciidamada la soo dhoobay Diinsoor iyo halka ay dhab ahaantii ku fool leeyihiin iyo inay sii joogi doonaa halkaasi ayaa haddana arrintan ay saameyn ku yeelataya meela badan oo Jubbooyinka ah, iyadoo dad badan ay ka degayaan dhibaatadda ka dhallan karta dagaallo micna darro ku dhisan oo markale ka qarxa Kismaayo in mushkiladda haatan aloosan ay sii kicin doonta.

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose waxaa horay uga dhacay dagaallo soo noqnoqday oo dhexmaray ciidamo isku xulafa ahaa oo qaab qabiil ukala jabay,kuwaasoo ilaa iyo iminka aanan la heshiisiin,dowladda KMG ah oo arrintan la filayey inay wax ka qabata ayaanan wali gaarin xal kama danbeys ah oo khilaafka xal buuxa loogu helayo.


Mohamed Hashi Tawakal, Allgedo/Kismaayo.




Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

http://www.allgedo.com/Tempe/kisiyo%20c ... 20news.htm
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”