Somalia is for every Somali

Suldaanka Guud ee Beelaha Reer Waqooyiga Ayaa Yidhi "Riyaale Kama Baqno Anaga"
(Hargeisa}26.8-7
Suldaanka guud ee beelaha waqooyiga somalia oo hargeisa ku sugan ayaa sheegay in midnimada somalia ay ku jirto iyadoo somalidu ay iskaashato odhaah daas kadib ayaa suldaanka la weydiiyay in lagu xidhi karo hadaladaas wuxuuna ku jawaabay...."Waan tagaynaa Muqdisho waanan ka qaybgalaynaa shirka dibuheshiisiinta somalia ,Riyaale iyo daba dhilifkiisaba kama cabsado ee Ilaah baan ka baqaa''.........................................
Suldaan Max'ed Suldaan C/Qaadir ayaa daboolka ka qaaday in ay imaanayaan Muqdisho si ay kaga qeybgalaan nabadda laga abuurayo dalka,isagoona shegay in aysan waxba ugu shaqo jirin qaadicista shirkaasi ee madaxda maamulka labaxay Somaliland.
Suldaanka oo ku sugan magaalada Hargeisa ayaa sheegay in aysan suuragal aheyn in ay ka maqnaadaan ka dhaqan ahaan mel walba oo nabadda Somaliya lagu sameynayo waxaana uu cadeeyay in dhaqan hadii ay yihiin aysan waxba shaqo kula laheyn siyaasadda.
Suldaan Max'ed oo caan ka ah waqooyiga Somaliya ayaa sheegay in midnimada Somaliya ay ku jirto Soomalida oo dhan oo iskaashata isla markaana isku kalsoonato iskana ilawda dhibkii dhacay.
ismaamulka la magac baxay Somaliland ayaa qaadacay shirkaasi,waxaana ay sheegeen in aysan shirkaasi waxba u arkin isla markaana ay yihiin koox dhisan oo aan u baahneyn in ay dhex galaan Xukuumada somalia.
widhwidhonline@gmail.com
Widhwidh Online News Desk..Media Center


