
Khaliif Cismaan Xaaji Jaamac oo ah Haydhka Tuulada Dhoqoshay ayaa ka war bixiyey Xaaladaha kale duwan ee ay ku sugan tahay Magaalada Dhoqoshay Dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Nabad gelyada iyo Deegaanka mar uu la kulmay Wariyaha Shebakad Wararka Golisnews ee Magaalada Burco Siciid Axmed M Raage
: Magaalada Waa Magaalo weyn oo qadiimiya waxaana ku nool dad aad u tiro badan waxayna ka dad tiro badan tahay Degmooyin badan oo ah Dalka Jamhuuriyada Somaliland xaga Caafimaadka Magaalada Dhoqoshay waxay leedahay laba Xarumaha Caafimaadka MCH, mid ayaa qalabaysan oo shaqeeya, ka kalena waxaa balan qaad noo sameeyey in la qalabeeyo Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Gobalka Togdheer DR Cabdi Yaasiin, dhianca Waxbarashada waxay Magaalada Dhoqoshay leedahay Dugsi Hoose Dhexe, Dugsigii Sare ( Secondry School ) oo dhowaan la jeexay seeska Dhismaha Dugsiga, Waxaana dhagax dhigay Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Togdheer Cabdi Axmed Siciid, Xaga Xoolaha waa meesha ugu xoolaha Wanaagsan waayo waxay leedahay Biyo, iyo Ceelal Biyaha Magaalada oo aan go,in waqti kasta oo Abaar ah, waxaana looga soo hayamaa Xilyada gaar 200km Square oo hareeraha naga xiga.
Nabad Gelyada aad iyo aad bay u wanaagsan tahay waxaa ka dhisan Magaalada Saldhig Police (Bilays) waxaana ka hawl ka gala Ciidamada Nabad gelyada, Ciidanka Bilayska wuxuu ka hawl gala ilaa 12 Tuulo, waqtiyada qaar Ciidanka Bilayska Tuulada Dhoqoshay waxay ka hawl galaan Danbiyada ka dhaca Gobalka Togdheer Burco, sida dilkii u danbeeyey ee aan gacan ku dhiig lihii ku soo qabanay Kilinka shanaad ee Ethiopia Magaalada Gaashaamo markii labada beelood isu yimaadeen Tuulada Dhoqoshay ninkii gacan ku dhiiglaha ahna waxaan ka soo kaxaynay Degmada Gaashaamo isagoo maxbuusa Ciidanka Bilayska Dhoqoshay ayaa fuliyey hawl galka qabashada gacan ku dhiiglaha waxaa ku heshiiyey labadii beelood ee qoonta ka dhaxaysay ka dib markii ninkii dilka geystay gacanta laga soo geliyey labadii beelood waxaa dhex maray Heshiis ay ku Saamaxeen Ninkii dilka geystay.
Magaalada Dhoqoshay waa Meeshii lagu qab qabtay Nimankii geystay falalka Argagaxisada ahaa waxayna gacanta u gelisay Xukuumada Somaliland. Waxaan u mahadnaqayaa cidii qaadatay Go,aanka sii daynta heshiiskii dhex maray labada beelood.
Dhinaca Horumarinta waxaa taageero wax ku ool ah ka geystay Magaalada Dhoqoshay Ganacsade Saleebaan Khabiid oo degan Wadanka Ingiriiska isagoo dhisay Hal Qol oo ku shaqeeyo Maamulka Magaalada wuxuuna balan qaaday in uu si fiican u qalabayn doono
Siciid Axmed M Raage
Golisnews Burco
rageyare@hotmail.com
ayaa fuliyey hawl galka qabashada gacan ku dhiiglaha waxaa ku heshiiyey labadii beelood ee qoonta ka dhaxaysay ka dib markii ninkii dilka geystay gacanta laga soo geliyey labadii beelood waxaa dhex maray Heshiis ay ku Saamaxeen Ninkii dilka geystay.














a great example that should be followed by all somalis


