Diyaargarowga damaashka xoreyntii Goldogob 1982 oo habsami (

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Diyaargarowga damaashka xoreyntii Goldogob 1982 oo habsami (

Post by Hiiraan boy »

Diyaargarowga damaashka xoreyntii Goldogob 1982 oo habsami (qarsoodi) u socota.

Rubuc qarni ka dib markii ay dagaalyahanada Beesha Leelkase oo kaashanayaan xooggii dalka Soomaaliyeed iyo shacbiweynaha Soomaaliyeed ka xoreeyeen ciidamada Ethiopia iyo Cabdilaahi Yusuf magaalada Goldogob waxaa loo diyaargaroobayaa xuskii maalintaas weyn,

25 sano ka hor dhamaadkii September 1982 daruur caafimaad oo wadata saxan saxo udgoon ayaa ka dul curatay Goldogob isla markaas hashii maandeeq ayaa marlabaad lagu maalay Goldogob. Waxaa kabahoodii ka cararay Cabdilahi Yusuf iyo askartii amxaarada.

Odayaal dhaqameedyo ka tirsan beesha Hawiye ayaa u soo direy hambalyadii ugu horeysay ayagoo reer Goldogob ugu hambalyeeyey ciida ama feestada maalibta xoreyntii Goldogob 1982. Waa maalin Goldogob laga dejiyay calankii Ethiopia.

Waqtigii ay Ciidamada Ethiopia haysteen Goldogob waxay geysteen xasuuq iyo tacadi fara badan hase yeeshee dagaalyahanadii reer Goldogob oo kaashanaya xoogii dalka Soomaaliyeed iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed marna ma niyad jebin. Waxaana ay ku heesi jireen.

NINKII DHOOF KU YIMID BAA GEERIDU DHIBAYSAA WAQTIGII DHAMAAYOO WEY DHAQAAQI DOONAAN. CABDILAAHI YUSUF IYO AMXAARO WAA DHAQAAQI DOONAAN. DHULKU SOW ANIGU MA LIHI DADKU SOW ANIGU MA LIHI

DIIDNAYE OGOW DALKAYAGA NINKII DOONAHAYAYOW INUU DUUDSIYA RABOW ANNAGU DIIDNAYE OGOW>
MANA DUULI WAAYIN MANA DAGAALI WAAYIN MANA DIRIIRI WAAYIN EE ADUUNKOW DAYA.

GOBANIMADU WAA GEED KU BAXA DGIIGA GEESIGAYEE GOBANIMADU WAA MID AAN CIDINA GACAL KUU SIINEEEEEE

CEESAANTII, MAS IYO GOOD, MADAX SHABEEL LEEFTAA, MAALAGEEDIBAA GALAYEEEEEEEE

DADKAAD WAALIDKOOD IYO WALAALKOODBA LEYSAA WEYRAXAAYE MA OGTAHAY… GUMUC OLOLAYEY LA GUCLEYNAYAAN GUDIN AFLEY KULA GOOBAYAAN GEEDKAAD GASHABA WEY GOYNAYAAAAAAAAN

Aqoonyahano ka tirsan Beesha Degta Goldogob ayaa ururiyey tacadiyadii iyo qasaarahii ay Ciidamada Ethjopia gaysteen 1982 waxayna ku qiyaaseen $3 bilyan waxayna ku mashquulsan yihiin ka dhaadhicinta madaxda beesha in maxkanadda caala,iga ee xaauuqa bani aadamka la hogeeyo Ethiopia. Cabdilaahi Yusufna Eaaligelin qaran.

Beesha Leelkase waxay u mahad celinaysaa dhamaan hogaamiye dhaqameedyadii iyo shaqsiyaadkii muwaadiniinta Soomaaliyeed ahaa ee u soo direy hambalyada xoreyntii Goldogob rubuc qarni (25 sano) ka hor. Hogaamiye dhaqameedyada soo direy hanbalyada oo arrimo nabad gelyo awgood loo magacaabi waayey waxay ka tirsanaayeen beelaha Hawiye, Duriyadii sheikh isxaaq, Daarood, digil iyo mirif iyo beesha shanaad, Waxaana la qorshaynayaa in Baarlamaan ku sheega Soomaaliya la hor geyn doono motion qarsoodi ah oo ku saabsan in maalinta xoreynta Goldgob loo aqoonsado maalin qaran.

Hambalyadu waa furan tahay.

Jaamac Cali Xusuusdheer
Xasuuq1982@yahoo.com
The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Re: Diyaargarowga damaashka xoreyntii Goldogob 1982 oo habsami (

Post by The`Republic »

Viva Xornimada Galdogob, 10000 Ethiopian pigs were slaughtered in Galdogob and today 10000 Ethiopians occupy Somalia.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”