Beelaha Daarood oo Muqadisho uga wadahadlaya Xiisadaha Jubbooyinka.
Kullan Xasaasi ah oo looga hadlayo mustaqbalka gobolada Jubbooyinka iyo xalinta khilaafaadka Beelaha daaroodka Koonfureed ayaa maalintii Saddexaad ka soconaya Magaalada Muqadisho.
Shirkaan oo ay ka qaybgalayaan in kabadan 40xubnood oo isugu jira hogaamiye dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo aqoonyahan ayaa waxaa haatan diirada lagu saaraya xal ka gaarida khilaafaadka ka aloosan Magaalada Xeebta ku taala ee kismaayo halkaas oo tan iyo markii ay burburtay Dawladii Soomaaliya ay ku hardamayeen Beelaha daaroodka oo ugu badan Soomaalida ku nool Gobolada Jubbooyinka.
Sida ay sheegayaan ilo ku dhawdhaw shirkaan waxaa wadahadaladaan toos la isugu soo horfariisiyay waxgaradka Beelaha Kablalax iyo Sade oo isku haya gacan ku haynta Magaalada Dekada leh ee kismaayo oo ay laba bilood ka hor ay ku dagaalameen Maleeshiyooyin ka soo kala Jeeda laba dhinac.
Warku waxaa uu intaas ku darayaa in C/laahi Yuusuf Axmed uu haatan dhiirigalinayo wadahadalada oo lagu wado in todobaadyada soo socda loo soo weeciyo Magaalada kismaayo ka dib marka Guddiyo la saaray ay ka shaqeeyaan qaabka ajandayaasha iyo farsamooyinka shirka.
Afhayeenka Beesha sade Xasan Maxamed Cali ayaa maanta ka sheegay Magaalada kismaayo in ay soo dhawaynayaan wadahadalada oo uu ku tilmaamay mid lagu hanwayn yahay marka la eego xubnaha haatan ka qaybgalaya.
Kullanka Beelaha Daarood ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu yimid xilli sidoo kale Caasimada ay ka soconayaan dadaalo ay Odayaasha Midnimada iyo dhaqanka Beelaha hawiye ay ku doonayaan in ay ku mideeyaan fikirka dhaqankooda si loo wajaho xal u helida Rabshadaha la degay caasimada oo dadka ugu badan ee saamaynta ay ku yeelanayaan ay ka soo jeedaan Hawiyaha Ku Nool Muqdisho.
Shirwaynihii fashilka ku dhamaaday ee Muqdisho ayaa waxaa dhaliilo loo soo jeediyay Beelaha Daarood iyo Hawiye waxaana dusha loo saaray Eeda qaranimada duntay ee Soomaaliya, dadka wax ka faaloodana waxaa ay leeyihiin xal laga gaaro khilaafaadka Hoose ee u dhexeeya Juffooyinka labadaan Beelood waxaa soo dhawaynayaan in Soomaaliya ay ka gudubto Dagaalada Sokeeye.
Beelaha Daarood oo Muqadisho uga wadahadlaya Xiisadaha Jubbo
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNetizen
- Posts: 497
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
- Location: Carriga Ingiriisiga
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Beelaha Daarood oo Muqadisho uga wadahadlaya Xiisadaha Jubbo
Beelaha darood ila bam lala beegsado weyaan
qarxii nacala abohood ku yaal what are they doing in xamer
qarxii nacala abohood ku yaal what are they doing in xamer
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
Re: Beelaha Daarood oo Muqadisho uga wadahadlaya Xiisadaha Jubbo
[quote="The_Emperior5"]Beelaha darood ila bam lala beegsado weyaan
qarxii nacala abohood ku yaal what are they doing in xamer[/quote]

qarxii nacala abohood ku yaal what are they doing in xamer[/quote]



















-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 363 Views
-
Last post by Ismaciil Jaberti
-
- 5 Replies
- 634 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 0 Replies
- 257 Views
-
Last post by C O S T A
-
- 0 Replies
- 665 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 259 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 2 Replies
- 361 Views
-
Last post by Qaarxiye
-
- 3 Replies
- 583 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 5 Replies
- 518 Views
-
Last post by fagash_killer