BREAKING NEWS XABASHO OO LA WAREEGAY CAYR CITY

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BREAKING NEWS XABASHO OO LA WAREEGAY CAYR CITY

Post by Hiiraan boy »

Ciidamo Itoobiyaan oo saaka ku waabariistay Dhuusamareeb xili aysan halkaasi ka jirin wax xiisad ah

Dadweynaha ku dhaqan degmada Dhuusamreeb ee gobolka Galgaduud ayaa saaka ku waabariistay iyadoo bartamaha magaaladaasi ay gaafwareegayaan ciidamo Itoobiyaan ah oo wata ilaa lix baabuur oo ah kuwa loo yaqaano Uralada, kuwaasoo sida la sheegay xalay soo galay halkaasi, iyagoo ka yimid dhinaca deegaanka Guriceel oo ka tirsan isla gobolkaasi Galgaduud oo ciidamadaasi ay fariisin ku lahaayeen mudooyinkanba.

Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa la sheegay Iney degeen saldhiga booliska magaalada Dhuusamareeb welina ma cada ujeedada ciidamada Itoobiya ay halkaasi tageen iyo goorta ay ka dib uga baxayaan inkastoo mar arintaasi wax laga weydiiyey Khaliif Ciise Ganey oo ah taliyaha ciidanka nabadgelyada ee deegaanka Dhuusamareeb uu arintaasi ku sheegay iney ka dambeysay markii ay halkaasi ka dhaceen dhowaan shaqaaqooyin dhexmaray kooxo hubeysan oo ku dagaalamaya jidgooyooyin yaala hareeraha magaalada, kuwaasoo lacago baad ah looga qaado gaadiidka u kala goosha gobolada dalka.
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Re: BREAKING NEWS XABASHO OO LA WAREEGAY CAYR CITY

Post by fagash_killer »

Ciiddamo Ethiopian ah oo la wareegay gacan-ku-haynta magaalada Dhuusa-ma-reeb.

(Dhuusa-ma-reeb}47.9-7
Ciiddamo Ethiopian ah oo aad u Hubaysan, ayaa waxay Waaberigii hore ee saakayto la wareegeen gacan-ku-haynta Magaalladda Dhuusa-ma-reeb, oo caasimad u ah Gobalka Galgaduud ayga oo ka yimid dhanacaas iyo Dagmada Guriceel, waxayna fariisin ka dhigteen Xaruntii hore ee Boliska ee magaalladaasi.

Dadka deegaanka ayaa waxay saakayto soo tooseen iyadoo ay Ciiddamadda Ethiopianka gaaf-wareegayaan gudaha magaalladaasi, waxayna dadweynaha aad u hadal-hayaan sababaha keenay inay Ciiddamadda Ethiopianka la wareegaan ammaanka guud ee deegaankooda.

Ethiopianka ka soo ruqaansadeen Degmadda Guri-ceel, oo ay ku xooggan yihiin Taageerayaasha Guddoomiyihii Guddiga Shuuradda ee Golaha Maxkamadaha Islaamka, Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Ma cadda sababaha rasmiga ee ay ciiddamadda Ethiopianka u soo gaareen magaalladda Dhuusa-ma-reeb, inkastoo ay wararka qaarkood sheegayaan inay Ciiddanka Boliska ee deegaanka ka codsadeen DFKMGS in taageero laga siiyo hawlaha sugidda ammaanka guud.

Waxii ku soo kordha kala soco widhwidh online
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Re: BREAKING NEWS XABASHO OO LA WAREEGAY CAYR CITY

Post by fagash_killer »

Dhuusamareeb: Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo gaaray Dhuusamareeb.


Dhuusamareeb(AllPuntland)- Ciidamo dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa si caadi ah ku tagay gudaha Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galguduud.

Ciidamadan ayaa ku hubeysan gaadiidka dagaalka ee loo yaqaano Tiknikada ayadoo lasheegayo in ay lakulmeen saakaba Madaxda maamulka degmada ee halkaasi jooga kana wada hadleen xaalada nabadgalyada gobalkaasi galguduud.

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo beryahan ku howlanaa sugida amaanka wadada isku xirta gobalada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay balaarinta howlgallada ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya.

Wariye Madax banaan oo jooga magaalada dhuusamareeb ayaa AllPuntland usheegay ciidamadan dageen Saldhiga ciidamada Booliska isla markaana ay halkaasi tageen Odayaal ,waxgarad iyo salaadiin kala duwan oo amaanka ay dhamaantood ka wada hadlayaan.

Ciidamadu waxa ay bilihii ugu danbeeyey fariisin u ahaa degmada Guriceel ,warar hoose oo laga helayo ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegaya ciidamadan ay sugayaan amaanka qaar ka mid ah madaxda dowlada Soomaaliya oo halkaasi imaandoonta maalmaha soo socda.

Dhawaan ayaa lafilayaa in ay soo gaaraan degmada Dhuusamareeb Maamulkii gobalka ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha dowlada Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo lahaa laamaha kala duwan.

Faarax C/qaadir Geylan
AllPuntland
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”