BREAKING NEWS XABASHO OO LA WAREEGAY CAYR CITY
Posted: Tue Sep 04, 2007 5:11 am
Ciidamo Itoobiyaan oo saaka ku waabariistay Dhuusamareeb xili aysan halkaasi ka jirin wax xiisad ah
Dadweynaha ku dhaqan degmada Dhuusamreeb ee gobolka Galgaduud ayaa saaka ku waabariistay iyadoo bartamaha magaaladaasi ay gaafwareegayaan ciidamo Itoobiyaan ah oo wata ilaa lix baabuur oo ah kuwa loo yaqaano Uralada, kuwaasoo sida la sheegay xalay soo galay halkaasi, iyagoo ka yimid dhinaca deegaanka Guriceel oo ka tirsan isla gobolkaasi Galgaduud oo ciidamadaasi ay fariisin ku lahaayeen mudooyinkanba.
Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa la sheegay Iney degeen saldhiga booliska magaalada Dhuusamareeb welina ma cada ujeedada ciidamada Itoobiya ay halkaasi tageen iyo goorta ay ka dib uga baxayaan inkastoo mar arintaasi wax laga weydiiyey Khaliif Ciise Ganey oo ah taliyaha ciidanka nabadgelyada ee deegaanka Dhuusamareeb uu arintaasi ku sheegay iney ka dambeysay markii ay halkaasi ka dhaceen dhowaan shaqaaqooyin dhexmaray kooxo hubeysan oo ku dagaalamaya jidgooyooyin yaala hareeraha magaalada, kuwaasoo lacago baad ah looga qaado gaadiidka u kala goosha gobolada dalka.