Mujaahid Minister Mudane Yusuf Ciise Talaabo speaks out
Posted: Tue Sep 04, 2007 3:12 pm
Wasiir Talaabo Oo Ku Eedeeyey Culimada Tabliiqiyiinta iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay inay Wadaan Af-caal ay ku Mideynayaan Somaliland iyo Somalia.
--------------------------------------------------------------------------------
(Yuusuf Ciise Talaabo)
hadhwanaag 2007-09-03 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Cadaaladda Somaliland Md. Yuusuf Ciise Talaabo ayaa ku eedeeyey Wadaada Tabliiqiyiinta iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay inay iyagu wadaan, inay labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya isku daraan oo ay kolba meel tagayaan, isla markaana waxa uu qodob dastuuriya ku tilmaamay inaan wakhti Xaadirkan labada Beelood ee Hawiye iyo Daarood midna aanu Somaliland iman Karin, oo haday is-dilayaan iyo haday is-deynayaan ay iyaga u yaalo.
Sida waxa uu Wasiir ku-xigeenku ka sheegay hadal uu ka jeediyey doraad Munaasibadii furitaanka Sanad dugsiyeedka Iskuulka Hoose Dhexe Sare ee British International School oo lagu qabtay xarunta Dugsigaasi ee Magaaladda Hargeysa.
“Wadaada Tabliiqa oo leh afartan Cisho aynu baxno oo Beydhabo tagaya ama ka soo qaadaya Baydhaba oo halkan keenayaa, labaatan bax walaal oo kaalay oo tag, waar adna miyaad isku wadaa” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenku isaga oo ku eedeeyey Culimada tabliiqiyiintu inay wadaan isku dhex milanka labada dal Somaliland iyo Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu Hay’ada Qaramada Midoobay ku eedeeyey arrintan
“Hay’adaha UN-ta ayaa la mid ah oo kolna siminaar halkaa [Soomaaliya] u sii sida, marna halkan u soo sida, labadaa qoloba labada dal [ Somaliland iyo Soomaaliya] way isku darayaan ee yar iyo weyba ha laga feejignaado” ayuu yidhi.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi.“ Ethiopia dad lugeynayaa ayaa ina soo galay, Saaxib-tinimo Siyaasadeed ayeynu lahayn ee is-dhexgal maynaan lahayn halkaana waxaad mooda in laynaga soo galay” ayuu yidhi Yuusuf Ciise Talaabo.
Md. Yuusuf Ciise Talaabo waxa uu sheegay in Geela bada iyo Geela Beriga la kala ilaaliyo. “Wax-ba yey soo qixin Qaxoontiga Soomaaliya” ayuu yidhi.
“Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Culimada tabliiqiyiinta ha lala hadlo, waloow culimada aanu isku seegnay, waxaanu wax walba ka jecelnahay ayaa jira oo ah wadankii aynu u soo hal-ganay inaan dib isugu noqon [Soomaaliya], ayaanu wadaad iyo waranle-ba ka jecelnahay” ayuu yidhi Yuusuf Ciise.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi.“Waxaanu Wadaada ku saxaynaa, oo aan culimada tabliiqa ku saxaynaa, waar ragbaa xadkii haysta, walaahi inaydaan ka dagayn Xajka hadaad na seegtaan oo aydaan na walaaqin wadaadku arrimaha ha iska hubsado”
“Wadaadku, wadaadka kale yaanu u san-qanin, waagi dhaweyto waxaan halkan ka idhi halkaa [Soomaaliya] ay Maxaakiimtu ka soo baxday qibladiina maaha kabcadiina maaha ee yaan loo sacabinin, wadaadka walaalo ayeynu nahay, waxba yaan la isa salaamin wadaadka halkaa ha la iska salaamo oo yaanu soo qixin”
“Wadaadka Ereteria la haystaa yuu soo qixin maqaadi karno inaguye, inteena yar ayenu ilaashano” ayuu yidhi Yuusuf Ciise Talaabo.
“Hawiye iyo Daarood midna halkan [ Somaliland ] uma furna waa dadkaynu ka diigoosanaynay haday is-dilayaana iyaga ayey u taala haday is-deynayaana iyaga ayey u taala waana da iyaga ayey u taala waana dastuuri inaanay ina soo dhex-gelin wakhtigan” ayuu yidhi Yuusuf Ciise Talaabo oo ku tilmaamay inay arrin dastuuriya tahay inaanay Hawiye iyo Daarood soo dhex-gelin Somaliland .
Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale]
Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa
E-mail, janaale94@yahoo.com