breaking news wakiilka ugaaska cayr in asmara

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

breaking news wakiilka ugaaska cayr in asmara

Post by Hiiraan boy »

Hogaamiye dhaqameed caana oo ku biiray Shirweynaha Casmara,daawo muuqaalkiisa..

Asmara, Isniin , Stember , 10 , 2007 Waagacusub.com



Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur oo ka mida hogaamiye dhaqameedyada sida weyn looga yaqaan Soomaaliya ayaa ku biiray Shirweynaha Casmara uga socda garabyada isbahaystay ee Soomaaliyeed.

Ugaas Cabdi Dahir oo ka ambabaxay Nairobi ayaa sii maray Khartoum,iyadoo qaar ka tirsan ergada shirka ay aqoonsigiisa ergo nimo kaga horgeeyeen garoonka Casmara ,halkaas oo soo dhaweyn weyn loogu sameeyay.

Ugaas Cabdi Dahir ayaa markii uu ka degay garoonka Casmara waxaa uu hore ka abaaray Xarunta Shirweynaha uu ka socday,waxaana la arkayay isagoo aqoonsigiisa wato oo ergada ka soo dhexmuuqday.

Ugaas Cabdi Dahir wuxuu Waagacusub ugu waramay inuu Casmara u tagay,sidii uu xubnaha ku sugan Shirweynaha ula wadaagi lahaa qorshooyinkooda wadaninimo,si dalka iyo dadka Soomaaliyeed loogu gurmado.

Ugaas Cabdi Dahir ,waxaa uu si gaara ula kulmay xubno ka tirsan Maxaakiimta iyo Baarlamaanka Xorta.

Si kastaba ha ahaatee,wuxuu noqonayaa hogaamiye dhaqameedkii ugu horeeyay ee ka xaadiray madasha Somalida ee Asmara.
Mrs Musika man
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 621
Joined: Thu Jun 14, 2007 2:53 pm
Location: XAMAR cadey - Musika-Sultan-of-Banadiir, Majerteen-Abgaal Capitalistic Alliance (MACA)

Re: breaking news wakiilka ugaaska cayr in asmara

Post by Mrs Musika man »

War waxa yaa sheegay?

BBC? Beenta Beesha Cayr??
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”