9/9/2007] Magaalada Beledwayne oo Amnigeeda Ay la wareegeen Ciidamada Ethiopia News/Articles
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Md. Yuusuf Axmed Hagar (Daba-Geed) oo xalay ka badbaaday gaari uu saarnaa qarax bambaano oo lala beegsaday ayaa maanta si rasmi ah nabadgelyada magaalada Baladweyne ugu wareejiyay saraakiisha ciidamada Ethiopia ee ku sugan deegaankaasi.
Saraakiisha sar sare ee ciidamada Ethiopia iyo Guddoomiyaha gobolka oo maanta kulan albaabadu u xirnaa ku yeeshay Beledwayne ayaa kulankaasi kadib waxaa saxaafada la hadlay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Daba geed isagoo sheegay in maanta wixii ka danbeeya ay arrimaha amaanka iyo nabadgelyada uu si buuxda ugu wareejiyay ciidamada Ethiopia waayo ayuu yiri waxba ma dhaamaan kuwa milateriga iyo booliska ah ee halkan joogo, balse waxay dheer yihiin tababar iyo waayo aragnimo ay ku hanan karaan howlaha amaanka ee Gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu socdo baaritaan weyn oo lagu ogaanayo cidii ka danbeysay qaraxii xalay lala beegsaday gaarigiisa oo uu ku macneeyay inuu ahaa mid loogu taqlusi rabay isaga, wuxuuna dadka deegaanka uga digay in cidii iyadoo socota habeenkii marka nalka B/weyne uu damo ee afar saac habeenimo laga qaadi doono tallaabo adag oo wixii ka yimaadana aan laga doodi Karin, taasoo uu guddoomiyuhu ula jeeday in xabad lala beegsan doono qofkii socdo.
Tallaabadan ayaa ku soo beegantay xili qaar ka tirsan beelaha dega galbeedka B/weyne ay si buuxda u sheegeen ineysan aqoonsaneyn maamulka Yuusuf Daba Geed balse lama oga dhacdadii xalay iyo amarka maanta soo baxay iney saameyn ku yeelan doonto iyo in kale.
Si kastaba ha ahaatee waxaad Moodaa in Arintan Ciidamada Ethiopia Loogu wareejiyay Amniga Gobolka Hiiraan ay Tahay Mid loo Baahnaa Goor hore iyadoo Waayadii ugu dambeeyay gobolkaasi uu ahaa Mid Fowdo ah oo Amaankiisu liitay.
Ethiopian Troops take over Beledweyn
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
Mrs Musika man
- SomaliNetizen

- Posts: 621
- Joined: Thu Jun 14, 2007 2:53 pm
- Location: XAMAR cadey - Musika-Sultan-of-Banadiir, Majerteen-Abgaal Capitalistic Alliance (MACA)
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 807 Views
-
Last post by The Nomad
-
- 3 Replies
- 466 Views
-
Last post by Garuun
-
- 12 Replies
- 2534 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 4 Replies
- 1407 Views
-
Last post by SecularWadani
-
- 7 Replies
- 823 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 12 Replies
- 1025 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 12 Replies
- 832 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 2 Replies
- 552 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 12 Replies
- 1568 Views
-
Last post by hilal2020
-
- 49 Replies
- 2432 Views
-
Last post by udun