ugaaska digil mirfle ugaaska merehan ugaaska cayr all to asm
Posted: Tue Sep 11, 2007 12:38 pm
Ugaasyo hor leh oo soo gaaraya Xarunta Shirka ee Magaalada Asmara.
Asmara,10,September-07 (Qaadisiya.com) Xarunta uu kasoconayo Shirka looga tashanayo sidii Dalka looga xureyn lahaa Gumeustaha ayaa waxaa kusoo qul qulaya Ugaasyo, Nabaddoonno, waxgarad iyo Oday dhaqameedyo.
Ugaasyadii ugu dambeeyey ee Xarunta Shirka soo gaaray ayaa waxaa kamid ah Ugaas Maxamed Weli, Ugaas Cabdi Daahir, Ugaas Axmed Bile, Ugaaska Digil iyo Mirifle iyo Ugaasyo kale oo matalaya Soomaalida ka damqatay gumeysiga lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Guddiga Qaban qaabada Shirka ayaa u sheegay Shabakadda Islaamiga ah ee qaadisiya in Shirka weli laga dhowrayo in ay soo gaaraan Nabadoono iyo odayaal dhaqameedyo ka badan kuwa iminka shirka kusugan kuwaasi oo dib ugu soo dhacay shirka hawlo kale oo ay ka hayaan goobaha ay kusugan yihiin awgii.
Arrintani ayaa waxa ay guul weyn u tahay Shirka Magaalada Asmara maadaama la helay Dadkii Hoggaanka u hayay Umadda Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale ay muujineysaa in Shirkii ka dhacay Magaalada Muqdisho dadkii lagu sheegay odayaal ay ahaayeen kuwa aanan jirin maadaama odayaashii la yaqiinay ay halkani kazoo xaadireen.
QAADISIYA WAA XARUNTA NOOLEYNTA DHAQANKA ISLAAMKA.
MAAMULKA SHABAKADDA ISLAAMIGA AH EE QAADISIYA
KALA SOO XIRIIR : QAADISIYA_EDITOR@HOTMAIL.COM