BREAKING NEWS aljazeera show video of 1000s ICU askar
Posted: Wed Sep 12, 2007 10:16 am
Dagaalyahannadda Golaha Maxkamadaha Islaamka
oo la shaaciyey inay isku soo urursanayaan dhulka Kaymaha leh ee Koonfurta dalka Somalia
Mogadishu, Arbaco, Sept 12, 2007 (SMC)
Abuu Mansuur (oo Mareeykan Ah)
Boqolaal Dagaalyahanno u daacad ah Golaha Maxkamadaha Islaamka ee dabayaaqadii sannadkii hore loogu itaal-sheegtay dagaallo ay Ciiddamadda DFKMGS iyo kuwa Ethiopianka kula galeen qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia, ayaa la shaaciyey inay isku urursadeen, isla markaana ay tababar Milliteri ku qaadanayaan dhulka hawdka leh ee deegaannadda fog ee Goballadda Koonfurta Somalia.
Telefishinka Aljezeera ee ay Xaruntiisa dhexe ku taallo Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa, ayaa soo bandhigay Muuqaalka Dagaalyahannadda oo carbis ku qaadanayaan deegaanno aan la carabaabin oo ku yaalla Koonfurta dalka Somalia.
Filimka laga soo qaaday Dagaalyahannadda Golaha Maxkamadaha Islaamka, ayaa waxa ka muuqday dagaalyahanno wejiga soo qarsaday, oo ku labisan Tuutaha Ciiddamadda oo barbaro caddaan iyo madow leh oo ay ka kor xirteen Jaakaddaha Messo Jaakadda ah, waxayna dagaalyahannadda wateen qoryaha AK-47, Daba-jeex, Gantaalladda Garbaha laga tuuro ee Seven-ka iyo Lowga.
Dagaalyahannadda Maxkamadaha
Sida Telefishinka Aljazeera saakayto lagu soo bandhigay, Dagaalyahannadda Maxkamadaha Islaamka waxay xilliyadda ay tababarka leeyihiin ay ku dhawaaqaan Takbiirta Allahu Akbar, halka ay Xilliyadda ay nasashadda leeyihiin isku madadaaliyaan Anaashiida Jihaadka oo Af-carabi ah.
Abuu C/raxmaan, oo ka mid ah Dagaalyahannadda Maxkamadaha Islaamka ee hawdka Koonfurta Somalia ugu waramayey Telefishinka Aljazeera, ayaa sheegay inay Ciiddamadda dalalka Maraykanka, Kenya, Ugandha iyo Ethiopianka ee qabsaday dalka Somalia u dambayn doonto guul-darro, wuxuuna Dagaalyahankaasi sheegay inaysan ka baqaynin Taangiyaddooda.
“Waxaan u sheegaynaa Maraykanka iyo Hoggaaminta Ethiopianka, Kenya iyo Ugandha ee duullaanka ku qabsaday dalkeenna, waxa uu hawlgalkooda ku soo dhamaan doonaa khasaarahooda” ayuu yiri Dagaalyahankaasi.
Dhinaca kale, Telefishinka Aljezeera, waxay kaloo uu soo bandhigay Muwaadin Maraykan ah oo soo muslimay, laguna magacaabo Abuu Mansuur Amriika, kaasi oo Dagaalyahannadda GMIS kula nool Hawdka Koonfurta Somalia sida lagu sheegay Warbixintaasi.
Abuu Mansuur, waxa uu sheegay inuu isagoo dibedda Maraykanka ku sugan uu maqlay in dagaal jihad ah ka jiro dalka Somalia, kadibna uu u soo dhoofay gudaha dalka Somalia, kana qeybgalay dagaalladdii ay Maxkamadaha Islaamka la galeen Ciiddamadda DFKMGS iyo kuwa Ethiopianka ee dabayaaqaddii sannadkii hore ka dhacay Koonfurta Somalia.
Abuu Mansuur Amriika, oo ah Khabiir Milliteri waxa uu haatan Tababar dhinaca Qaraxyadda siiyaa dagaalyahannadda Maxkamadaha ee tababarka ku qaadanaya dhulka hawdka ee Koonfurta Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
Mogadishu Somalia