Page 1 of 1

GENERAL CALI SAMATAR OO UU C/LAHI YUSUF U MAGACAABAY SAFIIRK

Posted: Sun Sep 16, 2007 10:38 am
by fagash_killer
General Cali Samatar oo uu Col. C/Lahi Yusuf u magacaabay safiirka Somaliya u fadhiyi doona dalka Talyaaniga loona gudbiyay digreetadii magacaabidda

--------------------------------------------------------------------------------



Madaxdii Dawladdi Qawlaysatada ahayd oo maanta reer Somaliland lagu dhafoor taabanayo()
hadhwanaag 2007-09-15 (Hadhwanaagnews) Roma (HWN) - Wasiirka arrimaha dibedda xukuumada Embagathi Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ka qeyb galayey shir kooxaha xiriirka Soomaalida ugu soo geba-geboobay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in dowladda federaalka ay u magacowday Maxéd Cali Samatar oo ahaa madaxweyne ku-xigeenkii ugu danbeeyey dowladdii Maxéd Siyaad Barre in dowladdu u magacowday safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga.

Wuxuuna sheegay Ceelaabe in la gaarsiiyey Cali Samatar wareegtada lagu magacaabay, ayna ka war sugayaan in dhowaan uu soo gaaro magaalada Roma. iyadoo dhinaca Cali Samatar aysan wax jawaab ah ka soo bixin.

Cali Samatar ayaa ahaa sarkaalki ugu sareeyey ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya xilligii ay dalka ka jirtay dowladii Kacaanka, wuxuuna sanadihii u danbeeyey ku sugnaa dalka Mareykanka.

Cali Samatar oo ay ku socoto dacwad ku saabsan xasuuqii uu Somaliland ka geystay isagoo hore u qirtay inuu amray burburinta magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo dadkii lagu gawracay Berbera sannadihii 1988 - 19990 kii.

Warkan oo maanta warbaahintu faafisay ayaa la filaya inuu maalmaha soo socda soo shaacbaxo.

Arrintan magacaabidda Jeneral Cali Samatar ayaa waxay god dheer ku sii tuuraysaa degenaanshaha Geeska Afrika. Waxana cad in Col. Cabdillahi Yusuf uu dhafoor taabasho iyo daandaansi la damacsanyahay shacbiga Somaliland oo weli ka soo kabanaya dhaawacyadii uu Cali Samatar ka qaybgaatay.

Wararkan waxa laga soo xigtay saxaafadda Muqdishu.

HadhwanaagNews
Roma, Italy


http://www.hadhwanaagnews.com/

Re: GENERAL CALI SAMATAR OO UU C/LAHI YUSUF U MAGACAABAY SAFIIRK

Posted: Sun Sep 16, 2007 10:48 am
by COSTA
Cabdulaahi Yusufs best decision so far now no one can get him to court he got diplomatic immunity Cool

Re: GENERAL CALI SAMATAR OO UU C/LAHI YUSUF U MAGACAABAY SAFIIRK

Posted: Sun Sep 16, 2007 11:01 am
by fagash_killer
the old man is up to something