Iska horimaad hubaysan oo ka dhacay Kismaayo oo geystey Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac
Kismayo, Somalia - Inta la ogyahay 3 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen iska hor imaad hubaysan oo la isku adeegsadey noocyada kala duwan ee hubka oo shaley galinkii dambe ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Dagaalkan oo socdey mudo gaaban ayaa wuxuu dhexmarey ciidamada maamulka gacanta ku haya magaalada iyo kooxo hubaysan oo afduub u geystey wiil dhaliyaro ah.
Iska horimaadka shaley ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa yimid ka dib markii kooxo hubaysan ay wiilka dhalinyarada ah ka afduubteen xaafada Via Afmadow, taasina ay keentey in qoyskii wiilkaasi uu ka dhashay ay u qaylo dhaansadaan ciidamada Booliiska, halkaasina ay ka bilaabatey rasaas xoogan oo in mudo ah socotey.
Tacshiirada oo aheyd mid aad u kululeyd ayaa waxaa ku dhintey sadex qof oo kala ahaa qof rayid ah oo aan wax lug ah ku laheyn dhinacyada dagaalamay, askari ka mid ah ciidamada Booliiska iyo mid ka mid ah dableydii Booliiska la dagaalamaysey ee afduubka u wiilka u haysatey.
Ciidamada amaanka ayaa ku guuleystey inay wiilkii dhalinyarada ahaa ka soo furtaan kooxdii dableyda aheyd, isagoo bad qaba.
Maalmihii ugu dambeeyey xaalada amaan ee magaalada Kismaayo waxay aheyd mid faraha ka sii baxaysey waxaana sida tusbax afka laga furay noqdey dilalka, boobka iyo afduubka lagula kacayo dadka rayidka ah.
Xafiiska Wararka Allgedo ee Muqdisho-Somaliya.
Galjecel bandits try stealing Marehan child but were chased
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNetizen
- Posts: 497
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
- Location: Carriga Ingiriisiga
Re: Galjecel bandits try stealing Marehan child but were chased
waryaa xaafada via-afmadoow waa xaafad gaaljecel..so any mareexaan who come's xaafadaas will be punished..
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 362 Views
-
Last post by CoolPoison
-
- 1 Replies
- 907 Views
-
Last post by xaseey
-
- 9 Replies
- 1299 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 273 Replies
- 20961 Views
-
Last post by jalaaludin5
-
- 0 Replies
- 494 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 1 Replies
- 585 Views
-
Last post by BVSNet
-
- 15 Replies
- 1287 Views
-
Last post by neocon_2007
-
- 0 Replies
- 228 Views
-
Last post by FBISOMALIA