War dheeraad ah ku saabsan dagaal xoogan oo caawa Muqdisho

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
adanboy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1184
Joined: Thu Mar 22, 2007 12:28 pm
Location: Struggle

War dheeraad ah ku saabsan dagaal xoogan oo caawa Muqdisho

Post by adanboy »

Weerarkii ugu kululaa oo caawa lagu qaaday inta u dhaxaysa Isgoysyada Geed Jacayl iyo How-Wadaag ee M/Muqdisho

Beerdhiga 18.09.2007 23:38

Abaarihii 11:05 ilaa 11:35 fiidnimo ee caawa ayaa waxa uu weerar xoogani oo ka fool ka fool ah ka bilowday:-
1) Isgoyska Aadan Cadde
2) Isgoyska geed jacayl
3) Midka howl-wadaag ee magaalada muqdisho.

Dagaalkan oo ku bilowday daryanka qoryaha fudud ayaa markii danbe isku badalay mid inta badan waxa la isku adeegsaday Qoryaha Garbaha laga rido ee Sabanada iyo qoriga kale ee loo yaqaano Dhashiikaha iyo waliba Qoryaha kale ee sida Daran Dooriga u dhaca iyo waxyaabaha kale ee Qarxa intaba.

Dagaalkan oo xoogiisii qaboobay abaare 11:35 fiidnimo ayaa waxa uu ku faafay xaafadha Isgoyska Howl-Wadaag iyo waliba jidka kale ee aada Madaxtooyada Villa Soomaaliya kaas oo u muuqda mid lagaga awood roonaaday ciidamadii deganaa Isgoysyada:-
4) Isgoyska Aadan Cadde
5) Isgoyska geed jacayl
6) Midka howl-wadaag ee magaalada muqdisho.

Lama sheegi karo ilaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee caawa soo gaaray ciidamadii deganaa isgoysyadan, balse waxaa la filayaa in ay jiri karaan khasaarooyin isugu jira naf iyo maalba.

Weerarkan oo caawa noqonaya midkii ugu kululaa ee Bishan Ramadaan gudaheeda lagu qaado ciidamadan degan Isgoyska Aadan Cadde ,Isgoyska geed jacayl iyo Midka howl-wadaag ee magaalada muqdisho,ayaa ilaa iyo hadda inta la hubo waxa dagaalkii kan ka horeeyay ee lagu qaaday ciidamada degan isgoyska Aadan Cadde lagaga gubay hal gaari oo cabdi bille ah kaas oo lala helay qoriga loo yaqaano sabanka halka mid kalana uu bur bur kale soo gaaray.

Weerarkan caawa ayaa ku soo beegmaya ka dib markii saakar barqanimadii weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo lagu qaaday ciidamada soo degay Isgoyska Aadan Cadde kaas oo inta la hubo uu ku dhaawacmay hal askari.

Ciidamadan ayaa qaarkood la soo dejiyay isgoys-yada aadan ka dib markii Madaxtooyada Villa Soomaaliya lagu weeraray Madaafiicda loo yaqaano Hoobiyayaasha kuwaas oo gaarayay dhowr iyo Toban madfac ,isla markaana la aaminsanyahay in ay geysteen khasaarooyin laxaad leh marka laga reebo kuwii hareer maray.

Xoogaga muqaawamada ayaa iyagu Bishan Ramadaan iyo midi ka horeysayba si dar dar leh u wada Weerarada iyo Qaraxyada ay la beegsanayaan Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo waliba kuwa DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”