TELESOM Engineer converts to Islam

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

TELESOM Engineer converts to Islam

Post by Executive »

Injireer ka Tirsan Shirkadda TELESOM oo Islaamay

Wednesday, 19 September 2007
Mr. Zheng Feng Chi oo ah injireen u shaqeeya shirkadda isgaadhsiinta ee TELESOM una dhashay dalka Shiinaha, ayaa qaatay diinta Islaamka dhowaan, iyada oo loo bixiyey Maxamed.



Injineerkan muslimay waxa uu hore u haystay diinta Buudisamka, waxana asbaabaha ku dhaliyey inuu islaamo ka warraystay Mustafe Aadan oo ka mid ah shaqaalah TELESOM, waxaannu su’aalay Maxamed oo 28 jir waxyaabaha ku kellifay inuu muslimo, waxaannu ku jawaabay oo yidhi; ““Intii aan dalka [Somaliland] joogay waxa aan u fiirfiirsanayay dhaqankooda iyo waxay aaminsan yihiin, waxa aanan ogaaday in dadka Islaamka ahi ay dhammaantood yihiin dad siman, waa dad is-ixtiraama, waa dad is jecel, waa dad aad moodoo dhammaantood walaalo, waa dad Aaminsan Allah kaligii, Ilaahayna (SWC) wuu simay oo dadka muu kala saraysiin, waa dad kooga jilicsan ee aan waxba haysan caawiya, waa dad markay tukanayaan maskaxdooda mashquulka ka saara Ilaahayna kaligii caabuda.”

Isaga oo hadalkii sii watana waxa uu yidhi; “Waxyaabaha iga yaabiyay ee musliminaday ka qayb-qaatay waxa ka mid ah Dadka muslimiinta ah dhammaantood waa dad dhanka wanaagsan wax ka eega, oo aan ka warwarin waxa soo socda iyo wixii dhaafay oo Ilaahay uun tallo saarta.”

“Wixii ka dambeeyay markii aan soo galay diinta Islaamka ee aan soomay la ina geeyay Masaajidka, waxa maskaxaydii ka baxay dhammaan wixii warwar ahaa, waxa aanan dareemay farxad badan, waxa kale oo dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan Somaliland, gaar ahaan shaqaalaha shirkadda Telesom kala kulmay soo dhawayn aad iyo aad u heer sarraysa,” ayuu yidhi Maxamed mar uu jawaabayay su’aal ahayd waxa uu kala kulmay Diinta Islaamka.

“Diintii aan aaminsanaa waxay ahayd BODISEM, asxaabtayda iyo qaraabadaydu waxa ay aamisan yihiin Bodisem, Sidaas daraadeed, marka aan noqdo waxa aan asxaabtayda iyo qaraabadayda u bandhigi doonaa Diinta Islaamka, haddii ay i diidaan oo cadaadis igaga yimaado waxa raadsan doonaa muslimiinta Chinese-ka ah ee kale, si aan u barto dhiinta Islaamka iyo Qur’aanka Kariim ah.” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisii.

Dhinaca kale, Maamulka iyo Shaqaalaha Shirkadda Telesom gaar ahaan Waaxda Engineering-ka oo uu ka mid yahay Cabdixakiim Aadam Cumar oo si weyn ugu soo dhaweeyay Maxamed diinta Islaamka, ayaa aad u soo dhaweeyay arrintan, waxaannu afur kaga qaybgalay masaajidka Cali Mataan, halkaas oo uu kula kulmay imaamka masaajidka Sh. Maxamed Aadam.


Buuhoodlemedia.com
User avatar
halfoshalfom-614
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1218
Joined: Fri May 18, 2007 3:05 pm
Location: king of majeertenia.

Re: TELESOM Engineer converts to Islam

Post by halfoshalfom-614 »

mansha allah
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”