Kulmiye meeting with Hy to get their vote. Clan politiking.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Kulmiye meeting with Hy to get their vote. Clan politiking.

Post by Somalistan »

Kulan balaadhan oo ay maanta yeesheen Xisbiga Kulmiye iyo Beesha Galbeedka Burco, oo ka dhacay Xarunta xisbiga Kulmiye ee Hargaysa


Kulan balaadhan oo ay maanta isugu yimaadeen ergada beesha galbedka Burco uga qayb galaysa shirweynaha Kulmiye ee ka furimi doona magaalda Hargaysa, iyo madaxda xisbiga Kulmiye ayaa ka dhacay xarunta xisbiga Kulmiye ee magaalada Hargaysa.

Kulankani oo ay beesha galbeedka Burco horkacayeen xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada oo uu ka midyahay isla markaasna uu hogaaminaayay Khadar Ambasadoor, xildhibaan Wabeeyo, xildhiban Duur,Xildibaan Xuseen Maxamed Cige, iyo rag ka tirsan xisbiga Kulmiye oo ka soo jeeda galbeedka Burco oo uu ka midyahay Dr Abdi Aw Daahir. Xaga xisbg Kulmiye ay ka socdeen ama matalyeen gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Siilaanyo, Muuse Biixi, ina Iskeerse iyo xubno ka tirsan golaha wakiilada oo ka soo jeeda bariga Burco.

Shirkan maanta kama uu qayb galin Suldaan Cismaan Suldaan Cali oo baryihii la soo dhaafay kulamada noocani ah iyo gorgortanba la galaayay xisbiga Kulmiye, hase ahaatee waxa uu ergada iyo kooxdaas Habaryoonis ee shirka la gashay Kulmiye kaga soo hadhay Hotel Ambasadoor uu deganyahay hada.

Sida ay noo sheegeen ilo ku dhaow dhow ergada Habaryoonis ee kulanka la gashay maanta Xisbiga Kulmiye, waxa ay noo xaqiijiyeen in labada dhan ay ku heshiiyeen in xisbiga KULMIYE, uu soo dhaweeyay wada hadalkii iyo falaqayntii ay labada dhan wada galeen isla markaasna beesha Habaryoonis ay xisbiga Kulmiye ka ogolaadeen in la siiyo gudoomiye ku xigeenka Labaad ee xisbiga Kulmiye, sidoo kale waxa si fiican la isugu waafaqay in beesha Galbeedk Burco ay xisbiga Kulmiye golayaashiisa ka helaan inta xubnood ee ay ka haystaan amba ay ka helaan beesha Galbeedka Hargaysa, taasi oo ay isku waafaqeen labada dhan.

Arintan ayaa hadaba noqonaysa caqabadii ugu horaysay ee hortaalay shirbeeleedyadii ay xusbiga Kulmiye ula kulmayeen beelaha shirka ka qayb galaaya iyada oo lagu wado ayaamaha soo socdana in beelaha kale loo galo xalintooda dabadeedna shirweynaha xisbigu uu sidaasi ku bilaabmo.

Isku soo wada duuboo su'aasha ay dadbadani is waydiinayaan waxa ay tahay kooxdan ka soo jeeda galbeedka Burco ma yihiin kooxdii saxda ahayd ee iyagu matali lahaa beel weynata Habaryoonis, taasi oo maantaba ay soo baxeen hadalo ay beeshu ku dhaleecaynayso ragaasi iyagu xisbiga Kulmiye la saxeexday heshiiskaasi, sida ay noo shegeen dadyow kala duwan oo ka soo jeeda gobolka Hargaysa iyo Sanaag ee Habaryoons ayaa heshiiskaasi ku timaamay mid waxba kama jiraan ah oo ayna ragaasi uu ka midyahay Khadar Ambasadoor iyo Xildhibaan Duur ayna xitaa matalin Galbeedka Burco iskadaa beelaha Habaryoonisoo.

Arintana waa carqalad hor leh oo wax yeeli karta ragaasi adeegsanaaya magaca beelaha Habaryoonis oo aan iygu u haysanin awood ay ku matalaan reerka madaama beelaha Habaryoonis u balansanyihiin shirweyne lagaga arinsanaayo arimaha beesha intaas wixii ka horeeyana ay tahay in aan cidna sheegan karin magaca reerka isla markaasna ayna cidna kulan ku gali karin magaca beesha.



Ahmed Saalax Xuseen

Qarannews

Hargaysa

New Hargaysa
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Kulmiye meeting with Hy to get their vote. Clan politiking.

Post by Dhaga Bacayl »

I don't know what Sillanyo is thinking but clan plotics ain't my forte. It creates nothing but division among us and he needs stop meeting clans.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”