puntland sais it killed 5 somaliland askar and burned 2 tikn
Posted: Wed Sep 19, 2007 4:12 pm
why's somaliland silent. only puntland's talking.
Ciidamada Somaliland oo dagaalkii caawa looga dilay Shan askari Baabuurta dagaalkana looga gubay.
Laascaanood Wednesday, September 19, 2007
Xayeysiis
Dagaalkii maqribnimadii ka dhex qarxay ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa imminka lagu soo warramayaa inuu qaboobay kaddib markii qoraxda ay dhacday, iyadoo dagaalkaas ciidamada Somaliland looga dilay Shan askari logana dhaawacay Toddoba kale waxaana sidoo kale ciidamada Somaliland dagaalkii caawa looga gubay laba gaari oo kuwa dagaalka ah.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland laga qabsaday fariisinkii ay hore u joogeen ee deegaanka Abeesaney ee duleedka Aricaddeeye iyadoo ciidamada dib looga durjiyey goobihii ay hore ugu sugnaayeen.
Taliyaha ciidamada daraawiishta gobolka Sool G/sare Siciid Axmed Maxamed ayaa sheegay in gobolka uu galay xaalad dagaal waxa uuna sheegay inay u diyaar garoobeen sidii ay isaga difaaci lahaayeen ciidamada Somaliland eek u soo gardarooday.
Ciidamada Puntland ayaa dagaalkii maqribkii ka dhacay duleedka Arri caddeeye waxaa uga dhaawacmay laba askari oo dhaawac fudud ah sida uu sheegay taliyaha ciidamada daraawiishta gobolka Sool Saciid Axmed iyadoo imminka ay labada dhinac ay wadaan abaabul xoogan iyo isku hub urursi.
Maamulka Somaliland ayaa dhinacooda wax war ah ka soo saarin qasaaraha soo gaaray iyo xaaladda dagaalka maqribnimadii caawa ka dhex qarxay fariisimadii ay isku hor fadhiyeen ciidamadooda iyo kuwa Puntland.
Magaalada Laacsaanood oo imminka xaaladeeda ay degan tahay ayaa hadana waxaa dadka deegaanka ay kuu sheegayaan inay diyaar u yihiin inay iska difaacaan ciidamada Somaliland waxaana magaalada Laascaanood caawa laga dareemayaa abaabul ciidan iyo dhiilo colaadeed.
Dhinaca kale, magaalada Laascaanood iyo agagaaraheeda ayaa caawa waxaa ka da’ay roob aad u xoog badan kaas oo saameyn balaaran ku yeeshay dagaaladii halkaa maqribkii ka dhacay iyadoo roobkana uu ilaa iyo imminka ka soconaya magaalada laascaanood iyo hareeraheeda.
Cakaarra.com
Laascaanood