Page 1 of 3
Xusuuso hadaad xis leedahay
Posted: Fri Sep 21, 2007 11:26 am
by LAFO-LAFO
Re: Xusuuso hadaad xis leedahay
Posted: Fri Sep 21, 2007 11:38 am
by LAFO-LAFO
I mean I would be pised off if Mr. Daayeer does continue cheap shot, such as SOMALI BAAN AHAY OR AN OOYEE ALBAABKA II XIDHA.
SHEIKH CAATO
Re: Xusuuso hadaad xis leedahay
Posted: Fri Sep 21, 2007 11:48 am
by Ama_Ama
Why the three Ogadeen and the Midgaan and the Gudabiirsi
i think they had reer waqooyi eccent
Re: Xusuuso hadaad xis leedahay
Posted: Fri Sep 21, 2007 11:48 am
by LAFO-LAFO
Xusuuso Hadaad xis leedahay!
42-kii Qof ee ahaa civilianka ee Lagu Dilay Burco 20/12/1984-kii ma Waxaaa Sababay ma la socotaa?
Axmed Aadan oo ahaan jiray Tiliyihii Gobolka Togdheer ee taliskii Siyaad Barre ayaa lagu dilay Hargeysa 19/12/1986, magaalada Burco-na 11/01/1987-kii ayuu kabtan Faalso ka badbaaday dilkii khaarajiska ahaa ee loogu talogalay. Labadan arrimood waxay sababeen in magaalooyinka waaweyn ee Somaliland lagu soo rogo bandoo ka bilaabanta 2:00 duhurnimo ilaa 6:00 subaxnimo ee dambe.
Intaa kadib Taliyihii Qaybta 26-aad Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), ayaa qoraal dheer oo bogag badan ka kooban u diray Maxamed Siyaad Barre, qoraalkaas oo ahaa kii la magac-baxay (sir-culus), waxa uu ku faahfaahiyey guud ahaanba xaaladda gobolku marxaladihii uu soo maray iyo xaaladda uu ku sugan yahay, waxaannu Moorgan qoraalkiisan ku caddeeyey in labadan fal-danbiyeed ee u dambeeyey ay si toos ah ugu lug lahaayeen ururka SNM, sida keliya ee lagaga hortagi karaana ay tahay in la xoojiyo ciidanka nabad-gelyadda, maadaama ay yihiin baalashii dawladda. Waxa kale oo uu si cad u sheegay 42-kii qof ee lagu soo qabqabtay warbixintii laga helay ciidanka nabad-sugidda qoraalkaa sir-culus.
Re: Xusuuso hadaad xis leedahay
Posted: Fri Sep 21, 2007 11:50 am
by LAFO-LAFO
Ama_Ama
Canjeex was in hurry to identified so their accent was prime target.
Re: Xusuuso hadaad xis leedahay
Posted: Fri Sep 21, 2007 11:56 am
by LAFO-LAFO
Ama_Ama
Correction...Madigaan not midgaan.
Sheikh Caato
Re: Xusuuso hadaad xis leedahay
Posted: Fri Sep 21, 2007 12:05 pm
by LAFO-LAFO
Xusuuso hadaad xis leedahay!
Dusdukay ku dheregtee
Haddaan daanku dheeraan
Gabbal baas u dumin nabad
Nin dalleensi lagu cunay
Haddaan guuto loo dilin
Dakharkiiba toban noqon
Nin kastoo dun iga qaba
Haddaan daab-cad lala dhicin
Jannnada durduurta ah
Haddaan daadku soo qubin
Aqalada derbiga dheer
Haddaan daaqad laga gelin
Ninka dabin ka boodka ah
Haddaan diirad lagu helin
Haddaan duubka gogoshiyo
Lagu dhuuman dalowyada
Haddaan shaashka derejada
Dallacaada laga nixin
Dal Allay u kibirtee
Haddaan iilka lagu degin
Haddaan meydku duurkiyo
Derrimaha ka fara badan
Sanqadhaa dabayshiyo
Haddaan fiinta laga didin
Fadhigay ku daaqdee
Haddaan soodhku dalandalin
Halka doobi lala maro
Haddaan raacdo daba gurin
Dacfalaanka mahaddiyo
Dardarsiga barwaaqada
Iyo doosha subbaga leh
Haddaan laysu dacarayn
Inta daran intaw daran
Haddan duulal lagu falin
Haddaan deebta gumuciyo
Lagu guban dabkaan shido
Duhur laysla wada jiro
Haddaan guusha lay deyn
Alley-lehe docdaydii
Ha Goblamo dad weynuhu.
Re: Xusuuso hadaad xis leedahay
Posted: Sat Sep 22, 2007 1:58 am
by LAFO-LAFO
Dear Daayeer,
I hope you have learnt a lot from the sessions, and especially you have learnt a lot from ... I hope no more qiiro and muraaradilaac iyo boholyow Soomaaliyeed.
No more somali baan ahay
No more an ooyee albaabka ii xidha.
Sheikh Caato bin axmed
Re: Xusuuso hadaad xis leedahay
Posted: Sat Sep 22, 2007 7:42 am
by LAFO-LAFO
Dear Daayeer,
No more somali baan ahay
No more an ooyee albaabka ii xidha.
Re: Xusuuso hadaad xis leedahay
Posted: Sat Sep 22, 2007 7:51 am
by XidigtaJSL
Ilaahay Ha U Naxariisto masaakiintaa aan waxba galabsan ee xaqdarada lagu diley, we will bring those responsible to justice soon or later, their murder will never be forgotten
Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye
Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey
Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye
Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal'e
Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne
Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne
Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye
Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye
Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye
Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide
Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin'e
Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye
Re: Xusuuso hadaad xis leedahay
Posted: Sat Sep 22, 2007 8:43 am
by LiQaaye_TDH
Ilaahay ha U Naxariisto/ aammiiin
Re: Xusuuso hadaad xis leedahay
Posted: Sat Sep 22, 2007 11:53 am
by LAFO-LAFO
Amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin. May Allah forgive them and may Aljannah fardaus be their final abode.
.
.
.
.
.
Sheikh Caato
Re: Xusuuso hadaad xis leedahay
Posted: Sat Sep 22, 2007 11:55 am
by xamari_gash
Re: Xusuuso hadaad xis leedahay
Posted: Sat Sep 22, 2007 12:01 pm
by LAFO-LAFO
xamari_gash
Are you related to advocat or something? waaban shakiyee!
.
.
.
.
.
Sheikh
.
.
.
.
Caato
Re: Xusuuso hadaad xis leedahay
Posted: Sat Sep 22, 2007 12:04 pm
by xamari_gash
MAYA I AM ADVOCATOR
IM NOT RELATED TO HIM I AM HIM
