Lixdii Nin ee xalay Buuhoodle lagu qabtay oo lagu wareejiyey itoobiyaanka
(Buuhoodle}21.9-7
Iyadoo ay xaaladda deegaanka Buuhoodle ay hadhaysay xaaladdii ku saabsanayd ragii & gaadiidkii habeenkii xalay lagu qabtay buuhoodle ayaa hadda waxaa arintaasi u egtahay mid sii dhamaanaysa..............................
Iyadoo ay xaaladda deegaanka Buuhoodle ay hadhaysay xaaladdii ku saabsanayd ragii & gaadiidkii habeenkii xalay lagu qabtay buuhoodle ayaa hadda waxaa arintaasi u egtahay mid sii dhamaanaysa ka dib markii ciidamada itoobiya oo saaka soo galay Buuhoodle, duhurnimadiina la wareegay saldhigii booliska ee buuhoodle ee ay nimankaasi ku xidhnaayeen ay la wareegeen lixdii nin ee halkaasi lagu hayey oo ay ula amababaxeen dhinaca itoobiya, halka ay ka tageen gaadiidkii nimankaasi wateen oo weli yaalla saldhigii. lama oga illaa hadda qaabka ay ku timid wareejinta ragaasi
waxase wararka aanu ka helnay Boolisku ay sheegayaan inay ku wareejiyeen amarka kaga yimid dhinaca madaxweynaha Puntland & ku xigeenkiisa, amarkasi oo loogu sheegay saraakiisha ciidanka buuhoodle inay ku wareejiyaan ragaasi ciidamada itoobiyaanka ee arintan darteed u yimid Buuhoodle.
Xuseen Kurdi

