BREAKING NEWS XOOGAGA MUQAAWAMA OO LA WAREEGAY
Posted: Sun Sep 23, 2007 11:40 am
Xoogaga muqaawamada oo caawa la wareegay fariisinkii ay ciidamada DFKMG ah ku lahaayeen Jaamacada Muqdisho iyo labadii Taliye ee hogaaminaysay ciidamadaas
Beerdhiga 23.09.2007 19:37
Abaarihii 05:30 galabnimo ee maanta ilaa iyo hadda oo ay Beerdhiga idiin soo daabacayso warkan oo ay saacada Muqdisho tilmaamayso 07:35 fiidnimo ayaa waxaa dhamaaday dagaal xoogan oo ay Xoogaga Muqaawamadu ku qaadeen ciidamo Milatari ah oo deganaa duleedka “Jaamacada Muqdisho” dhinaca Waqooyi ee Magaalada Muqdisho.
Ilo xog ogaal ah oo ku dhadhaw xoogaga muqaawamada ayaa Beerdhiga u xaqiijiyay in ay xoogaga muqaawamadu gabi ahaanba la wareegeen fariisinkaas isla markaana ay gacanta ku dhigeen labadii Taliye ee Ciidamada hogaaminaysay oo midkood magaciisa ku soo koobay “Nuur” sidoo kalana ay ku qabsadeen labo baabuur oo ay ka buuxaan raashin oo ah noocyada loo yaqaano “Bagaasaha”.
Isla ilahaas ayaa Beerdhiga u sheegay in ay xoogaga muqaawamada ay ka dileen Ciidamada Milatariga DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya 8 askari oo hadda yaala xaruntii hore ee Xanaanada Xoolaha intii kale ee fayoobeydna ay ku carareen howdka daafaha Jaamacada Muqdisho.Sidoo kale isla ilahaas ayaa Beerdhiga u sheegay in ay Xoogaga Muqaawamadu ay halkaasi ka soo qaniimaysteen hub faro badan oo aan wali si dhab ah loo hayn tiradiisa, sidoo kalana ay ka soo qaateen lacago badan
Xoogaga Muqaawamada oo ilaa iyo hadda oo ay saacada Muqdisho tilmaamayso 07:35fiidnimo ku sugan fariisinkaas ayaa waxa ay dagaalka ka bilaabeen dhufayskii ugu horeeyay oo ay ciidamada DFKMG ah ee la shaqeysa gumeyisga ku jireen oo ku yaalay “Qubuuraha Barakaat”.
Weerarkan ay xoogaga muqaawamadu kula wareegeen fariisinkaasi iyo taliyayaashii ciidamada iyo dhamaan sanadii taalay ayaa ku soo beegmaya xili maalintii 11-aad Muqdisho laga afurayo Bisha Ramadaan ee Barakaysan oo ay xoogaga muqaawamada kowdii Bisha Ramadaan ku qabsadeen fariisimaha Warshadii hore ee Barfuunka iyo Shaneemo C/Waayeel oo ay deganaayeen qaar ka mid ah milatariga DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya .
Sidoo kale qabsashadan ay xoogaga muqaawamadu qabsadeen fariisinkan muhiimka ah ayaa ku soo beegmaya xili maanta abaare 04:00 galabnimo ay ciidamada milatariga DFKMG ah ay ka baxeen isgoyska aadan cade qeybo ka mid ah ka dib markii weeraro kululi ay kala kulmeen bishan gudaheeda xoogaga muqaawamada.
Sidoo kale Qabsashada ayaa ku soo beegmaysa caawa xili uu soo ifbaxay khilaafkii ugu baaxada weynaa ee u dhaxeeyay C/Laahi Yuusuf iyo Cali Geedi ka dib markii xabsiga la dhigay gudoomiyihii maxkamada sare ee G/Banaadir isla markaana uu cali geedi ku dhawaaqay in uu xilka ka qaaday xeer ilaa iliyaha guud ee xabsiga dhigay gudoomiyaha maxkamada sare, taas oo daboolka ka qaaday in ay DFKMG ah ee la shaqeya gumeysiga u kala jabtay qaar raacsan Cali geedi iyo qaar raacsan C/laahi Yuusuf.