Abaabul Dagaal oo ay ku jiraan Jufooyinka Cali Geedi iyo Yus
Posted: Sun Sep 23, 2007 12:12 pm
Abaabul Dagaal oo ay ku jiraan Jufooyinka ayka kala dhashen Col.Yusuf & kuwa Cali Geedi…
Waxaa sii xoogeysanaya qilaafkii u dhexeeyey labada masuul ee usareysa Kooxda Imabagathi kaas oo maraya meeshii ugu sareysey kadib markii maanta magaalada Muqdisho si aad ah looga dareemayey saan saan Dagaal iyo Abaabul dhinaca maleyshiyaadka oo ay wadaan taageerayaasha labada Mas’uul.
Waxaa hada kala go’ay isu socodkii iyo isdhex markii xaafadaha ku dhowdhow Villa Somaliya kadib markii Maleyshiyaadka Col. Yusuf ay soo buuxiyeen dhamaan wadooyinka ka baxa iyo kuwa soo gala Villada halka dhinaca kale Maleyshiyaad beeledyo ay isku heebyihiin Cali Geedi ay soo buuxiyeen inta badan xaafadaha kale ee ku dhowdhow Villada waxaana dadka deganka wasaaradii hore ee caafimaadka ilaa Wasaaradii arimaha Debada ay bilaabeen in ay isaga baxaan meelahaas kadib markii ay soo buuxiyeen Maleyshiyaad daacad u ah Cali Geedi.
Waxaa si doo kale lagu arkayey xaafada Maanabooliyo ilaa Somalifruit maleyshiyaad halkaas la soo dhoobay kuwaas oo wata baabuurta dagaalka oo farabadan lamana garanaayo halka ay ku sii jeedaan laakiin waxaa degankaas ka bilowday barakac ku yimid dadka rayidkaa kuwaas oo ka cararaya dagaal laga cabsi qabo in uu dhex maro labada maleyshiyo beeleed.kuwaas wada abaabul dagaal.
Dalkanews.com, Muqdisho.