Karaanka Maansada Iyo Dagaallada Qabyaaladda

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
adanboy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1184
Joined: Thu Mar 22, 2007 12:28 pm
Location: Struggle

Karaanka Maansada Iyo Dagaallada Qabyaaladda

Post by adanboy »

Karaanka Maansada Iyo Dagaallada Qabyaaladda

Qaybtii 2aad

Maxamed Yusuf Xaaji cabdi (Kayse)

Marka laba qabiil arrinkooda la dhameeyaba labo kale ayey ka dhex qarxaysaa. Waxa laga gudbilayahay dhaawac dhaawac ku biiri, geeri geeri ku gudub. Waa ayaandarro weyn iyo masiibo ku habsatay dadka soomaalida dhammaantood.

Daabbad


Markaan degmo qaboojaa mid kale

Dogob ka qiiqaaye

Dab markaan baqtiiyaa mid kale

Duur ka ololaaye

Ayax markaan didshaabaa mid kale

Ugax dillaacaaye

Hadba wiil darmaanaa wadhida

Loo deldelayaaye

Imisaa wiil barbaar ah, oo cimriga halkii ugu macaanayd taagan, oo calaf iyo cawoba sugaya noloshii adduunka iyo tii aakhiroba laga af-qabtay. Imisaa madi keligii hooyo ku indho-kuulato dariiqa ayaan-xumada lagu carraabshay.

Hadba danab la looganayo baan

U digleeyahaye

Dubashada barbaartaa jidh kani

Ila dubaaxshaaye

Qalbigaygu wuu diiddan yahay

Dirirta ceebeede

Damiirkaygu kuma hiili karo

Dalabka haybeede.

Yaabka iyo amakaagga bulshada haysta hadba Dura iyo Xaaraame-cune ayaa loogu soo hal-qabanayaa, hadba waxa lagu jibbaysiinayaa sheekooyin qalbiga lula oo dhagaraysan. Hadba koox hammuun qabta ayaa sida rakuubka heeryeysata.

Dadweynaha shil baa lagu horiyo

Dawgii waalida'e

Hadba dhiillo dihin baa mid kale

Loogu dedayaaye

Hadba nabar daloolaa Cabdow

Looga darayaaye

Hadba doogo yara raystay baa

Laga damqaa hooye

Hadba dawan qabiil baa ruxruxa

Lagu danseejaaye

Hadba kooxo diihaal qabaa

Diif ku sii rida'e

Darxumadeeda lama koobi karo

Gaadhay daafaha'e

Dunaday ku kala firidhsantoo

Dayac ku haystaaye

Dir xun keedu wuu sii batiyo

Duwanaheediiye.

Ummad uu iblays duufsadaan

Soo du leeyahaye

Dulqaad baan ka filayaa intaa

Daallin iyo quuse

Nimaan digigixoon baan intaa

Dood ku habayaaye

Nin qabyaalad door moodayaan

'Daa' ku leeyahaye

Danaystiyo qof iimaan la' baan

Doobir leeyahaye

Damacooda xiimaaya baan

'Hooy' ku deyayaaye

Didibsiga bar baan leeyihiyo

Dabar ceshiimeede

Quluub uu xumuhu daashadaan

Daawo u rabaaye

Naf Illaahay diiddan wacdiga

Weel u darayaaye

Deeqsii waxaan leeyuhuun

Weedha dawga ahe

Ummad uu xin daaduumiyaan

Deris u meershaaye.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”