Dagaal saaka ka qarxay Jiida hore ee abeesalay oo u dhaxeeyay maamulada Puntland iyo Somaliland.
Warkii 24-Sep-2007 iyo Qormadii: Axmed C/laahi Binow
Waxaa saaka ka qarxay jiida hore ee abeesalay oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada maamulka Somaliland iyo Puntland kuwaas oo isku hor fadhiyay muddo dhawr sanadood ah oo uu u dhaxeeyay colaad.
Dagaalkan saaka ka qarxay jiida hore ayaa waxa uu yahay mid si wayn looga dareemay guud ahaan magaalada Laascaanood oo ay dadwaynaha magaaladu ay si wayn ugu argagaxeen taas oo keentay kadib markii ay dadku si wayn dhagahooda uga qaylisay hugunka madhaafiicda oo si toos ah looga maqlayo gudaha magaalada Laascaanood.
Dadka ayaa waxa ay sitoos ah ugu soo baxeen dagaalka ka socda duleedka magaalada dagaalakan oo u dhaxeeya ciidamada Darawiishta maamul Goboleedka Puntland iyo maamulka Somaliland waxaana dadku ay si wayn isu waydiinayaan meesha uu hadda marayao dagaalka iyo khasaaraha uu gaystay.
Sidoo kale shacabka ayaa waxa ay sii hayaan wadada dheer ee isku xidha tuulada Canjiid iyo magaalada Laascaanood iyagoo ku socda goobta uu dagaalku ka socdo waxaa sidoo kale gudaha magaalada Laascaanood ka socda abaabul xoogan oo ku aadan sidii loogu bixi lahaa dagaalka taas oo ay wadaan qaar kamid saraakiisha ciidamada iyo dad shacab ah.
Khasaaraha dagaalka ayaan ilaa hadda lasoo sheegin waxaana socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya labada ciidan waxaana si toos ah loo maqlayaa hugunka madhaafiicda ilaa iyo hadda ma jirto cid la keenay magaalada oo wax kusoo gaadheen dagaalka mana jirto khahasaare laga soo sheegayo goobta dagaalka inkasta oo uu dagaalkii wali socdo.
Hadaba dagaalkan ayaa ka duwan kii maalmihii lasoo dhaafay ay isku waydaarsanayeen labada ciidan madhaafiicda waxaana uu dagaalakni yahay mid si wayn loo saadaalinayay waxaana uu kusoo beegmay xilli habeenimadii xalay uu ka da'ay goobta dagaalku ka socdo raxmaad roob ah iyadoo taasi aysan usooroobayn in dagaal xoogani sii socda marka laga reebo madhaafiic la iswaydaarsado.
Wixii kasoo kordha kala soco warar ka danbe ee afnugaal.com
Axmed C/laahi Binow
Binow1@hotmail.com
info@afnugaal.com
breakingnews war in lascanood
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- DawladSade
- SomaliNet Super
- Posts: 13940
- Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
- Location: Xornimo
Re: breakingnews war in lascanood
Ma Cararteen wali?
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: breakingnews war in lascanood
wali wala is hor fadhiya ruqaaniis bala wadda
Ethiopiaan ba la socda darawiisthii
alla nimanka maxa ku dhacay
Ethiopiaan ba la socda darawiisthii
alla nimanka maxa ku dhacay

- kkk47
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2261
- Joined: Wed May 04, 2005 9:11 am
- Location: It is my way or the high way no-land but Somaliweyn
- Contact:
Re: breakingnews war in lascanood
Ugandase iyo Burundise na waa ku jiraan



- Ina Baxar
- SomaliNet Super
- Posts: 10796
- Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
- Location: Arabsiyo, Somaliland
Re: breakingnews war in lascanood
Ethiopia inay la socoto maba qarsan , oo shalay bay widhwidh sheegtay 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 32 Replies
- 1541 Views
-
Last post by JaMaaL-23
-
- 6 Replies
- 340 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 15 Replies
- 841 Views
-
Last post by Somalistan
-
- 5 Replies
- 1264 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 2 Replies
- 1176 Views
-
Last post by ina aadan
-
- 7 Replies
- 1502 Views
-
Last post by Faranacab
-
- 0 Replies
- 1087 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 990 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 36 Replies
- 3174 Views
-
Last post by suga_delic