Isaaq wali waa Jabhadd umana bislaan wali nadaam dowladnimo
Posted: Mon Sep 24, 2007 10:25 am
Ethiopia(Jidbaale.com) Siyaasiyiinta g/waqooyi wax weyn baa ka qaldan walina umay bislaan nidaamka dowladnimo ee ay raadinayaan, maskaxdooduna kamay korin markay SNM-ta ahaayeen, hadaan tusaale u soo qaato shakhsiyaadka ugu sareeya maamulkooda iyo kuwooda ku jira xisbiyadda mucaaradka ah, waxay si foolxun ugu dheeraadan xumaanta dowladii soomaaliyeed, waxayna inta badan adeegsadaan kalmadaha 'faqash baanu ka adkaanay' iyo 'hebel Jabhad buu ahaa', qofkay caayaana waxay ku yiraahdaan waa faqash, kan ay amaanayaana waxay ugu yeedhaan Jabhad (SNM).
Dowladii Soomaaliyeed iyo Adeegsida kalmadda Faqash
Waxaa la rumeysan yahay in dowladii Soomaaliyeed ay lahayd qalad iyo wanaag labadaba, waxaa kaloo markhaati ma doonta ah in dowladaas cid waliba ku jirtay, dhamaan masuuliyiinta ama siyaasiyiinta ka dhexmuuqda siyaasadda soomaaliya badankoodu waxay la soo shaqeeyeen dowladii soomaaliya.
Waxaa iyana lawada ogsoon yahay in dagaaladii sokeeya ee dalka ka dhacay uu beel walba saameeyay, dagaaladaas ha ahaadeen kuwo dowladu waday ama kuwo u dhaxeeya beelaha soomaaliyeed, dagaalkaas ay dowladu ku ilaalinaysay nadaamka dowladnimo cid waliba way ka qeyb qaatay, qolo walbana ciidamadeedu waa ku jireen, siyaasiyiinta ama saraakiisha maanta horboodaya siyaasadda soomaaliduna waxay ahaayeen kuwii dagaaladda hogaaminayay, dhinac kastaba markaad ka eegtid wuxu ahaa dagaal lagu sugayay nidaamka dowladnimo iyo midnimadda soomaaliya.
Halkaas waxaa inooga soo baxaya in cid gaar ah oo farta lagu fiiqaa oo lagu odhan karaa waa faqash aysan jirin maadaama dowladii faqashta ahayd lagu wada jiray, waxaad ogaataa in siyaasiga maanta joogaa uu danihiisa gaarka ah wato, sida uu shalayba u watay danihiisa gaar ah, balse waxaa nasiib daro ah in masuul waliba markuu xilka ka tago ama dowladii uu taageerayay meesha ka baxdo inuu cay iyo aflagaado ka daba tuuro.
Kalmadda Faqash iyo siday u adeegsadan Goboladda Waqooyi
Guud ahaan kalmadda faqash waxaa laga adeegsadaa goboladda waqooyi, iyagoo ula jeedaa Dowladii Siyaad Bare, haddaba Dowladii Siyaad Bare xumaan iyo wanaag waxay lahaydba tagtay, waxaana isku soo gadhay oo xilalka sare ee Maamulka buux dhaafiyay shakhsiyaadkii markaa ahaa faqash, oo ugu horeeya Madaxweynaha Riyaalle, labada hogaamiye ee mucaaradka, gudoomiyaha gollaha wakiiladda, gudoonka gollaha guurtida, iyo dhamaan shakhsiyaadka xilalka ka haya ha noqdeen wasiiro ama sarkaal ciidane, waxay dhamaantood u soo shaqeynayeen dowladii soomaaliyeed.
Haddaba, Beelaha Isaaq oo runtii caadifiyadda qabiilka ay aad ugu fogaatay waxay caadeysteen inay siyaasiga ay doonayaan ka saaraan liiska faqashnimadda kuna daraan liiska mujaahidiinta, markay doonayaan inay siyaasi caayaan waxay yiraahdaan 'hebel faqash buu ahaa' sidoo kale markay doonayaan inay amaanana waxay yiraahdaan 'hebel waa mujaahid ama S-tii buu ahaa, ujeedada ka dambeysa ayaa ah in siyaasiga u soo dagaalamay jabhadii SNM oo ahayd isaaq soocan'.
Faqash ma Maamul buu ahaa mise Qabiil.
Shacabka g/waqooyi waxay kaloo kalmadda faqashta u adeegsadaan guud ahaan qabiilkii uu ka soo jeeday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Marxuum Maxamed Siyaad Bare (Alleh ha u naxariistee), taasoo ku macneeyaan yahay wixii ku abtirsadda Beelaha Daarood oo dhami yahay faqash. Isla markaan ay sheegaan in laga burburiyay guryo iyo daaro ay hore dowladu u dhistay.
Marka aynu isku soo wada duubnaa waxaad moodaa in wax weyn ka qaldan yahay siyaasiyiinta goboladda waqooyi, waayo isma qabato qaran baan doonayaa oo haddana dad baan si gaar ah farta ugu fiiqayaa, Faqash baan colaadinayaa oo hadana Harti baan doonayaa inuu Qaran ila dhiso
Maamulka maanta Hargeysa ka jiraa ee la magac baxay Somaliland waxaa dhashay SNM, Hadaynu dhinac kale u dhignana SNM Isaaq soocan bay ahayd, taas macnaheedu waxaa weeye Maamulka la baxay Somaliland waa Isaaq soocan.
Sidoo kale hadii aad Beelaha Daarood oo dowladii Soomaaliyeed gadh-wadeen u ahaa aad ku tilmaanteen, Hartina oo aad ka doonaysaan inuu Qaran idinla dhiso si aad soomaali inteeda kale uga go'daana wuxuu noqday Daarood.
Markaa idinkaa cirka roob ku ege, ka soo caba, waligiina intaad dacaayadda iyo cadaawadda raqiiska ah is garab wadaan dowladnimo gaadhimaysaan.
M. Noor (Jeenyo) - mnjeenyo@hotmail.com
Ethiopia - Addis Ababa