

()
hadhwanaag 2007-09-25 (Hadhwanaagnews) Iyada oo lagu waday in uu furmo Shir-weynihii labaad ee Xisbiga Mucaarid ah ee KULMIYE September 08 2007 ayaa la sheegay in uu dib ugu dhacay September 15, 2007.laga soo bilaabo tan iyo maalintaa lama garanayo wakhti cayiman oo loo asteeyey inuu qabsoomo shirkaasi, iyo sababta uu u furmi waayey iyo halka wakhtigan marayso qaban-qaabadii Shirkaasi.
Sida waxa lagu sheegay Xogo iyo War-bixino Masuuliyiin ka tirsan Xibiga Mucaarid ah ee KULMIYE oo diiday in magacooga la sheego ay na soo gaadhsiiyeen.
Sidoo kale waxay tibaaxahaasi sheegayaan Ka dib markii uu tiraba laba jeer dib u dhac ku yimi Shirweynahaasi, ilaa wakhtigana aanu furmin, wax warana aan laga hayn, inkasta oo ay tibaaxahaasi sababaha dib u dhaca keenay ay ku sababeeyeen inay lugta ku hayo khilaafka iyo xur-guf laga dareemayay gudaha Xisbiga KULMIYE oo ahaa Xisbi aan hore looga baran muran gudihiisa ah, waxaana xusid mudan in xubno tiro leh oo ah kawaadirta waa weyn ee Xisbigu ka dhawaajiyeen isla markaana qaar ka mid ahi ay fagaarayaal iyo shirar jaraa’id ku sheegeen, halka ay sartu ka qudhuntay.
Waxaanay Warbixinta lagu sheegay qodobada u xudunka Muranka iyo khilaafka hadheeyey Xisbiga oo kala ah.
1. Iyada oo la Saluugay habka iyo tirada loo qaybiyey ergooyinka ka qayb galaya shirka oo sida la sheegay loo dhigay qaab beelaysan, isla markaana iyada oo beelaha qaar ka mida la siiyay saami culus, halka loo sadburiyay beelo taageero badan iyo cod buuran.
2. Qodobka labaad ayaa ah ragga siyaasiyiinta ah iyo beelaha dhawaanahan ku soo biiray Xisbiga oo fir-fircooni iyo dhiig cusub la soo galay Xisbiga ay keentay in ahmiyad iyo qadarin badan ay ku yeeshaan Xisbiga dhexdiisa, arrintaas oo abuurtay in kawaadirtii hore Xisbiga uga tirsanaa ay dareemaan in boos riix iman karo
3. Shir-gudoonka maamuli doona Shirka iyo xubnaha yeelanaya codka lagu kala xulayo musharaxiinta Xisbiga oo aan wax xog ah laga hayn cida iyo habka ay ku imanayaan
Hadaba murankan iyo khilaafkan ka dhashay tuhunka iyo kala shikiga siyaasiyiinta Xisbiga dhexdiisa ayaa keentay in siro iyo arrimo badan oo qarsoona daaha laga rogo,
waxaana arrimaha ay hadal hayntoodu badatay ay ka mid ah dhaqaalaha Xisbiga laga soo Uruuriyo sida loo maamulo iyo halka ay ku baxdo oo aan la garanayn.
Maxaad ka taqaana Xilalka Qarsoon ee Beeleysan iyo qaar kale oo aan la ogayn ee ay hayaan xubno ay isku hayb yihiin oo ka soo jeeda Beesha uu Gudoomiyaha Xisbiga Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ay Xisbiga Mansabyadiisa ugu sareeya ay iyagu hayaan, taas oo ku tusinaysaa inuu Xisbiga Kulmiye reereysan yahay.
Waxa kale oo ay Warbixintu Su’aasheedu ahayd Haddii iyada oo xilalka ugu badan Xisbiga ay hayaan dadka isku heybta ahi hadii uu Xisbiga KULMIYE ku guuleysto hogaaminta talada dalka sidee ayey u muuqanaysaa?
Xogaha iyo Siraha ay Warbixinta lagu shaaciyey waxa lagu sheegay inay Magacyada Xubnaha Mansabyada Sar sare ee Xisbiga haya ee ay Gudoomiyaha isku Beesha yihiin ayaa kala ah:-
1. Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE Muj: Maxamed Kaahin
2. Af-hayeenka jaaliyada dibada ee Xisbiga Pro: Faarax
3. Af-hayeenka 28 Xildhibaan ee Xisbiga KULMIYE Ugu Soo baxay Golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
4. Xog-hayaha Maaliyada iyo Qasnajiga Cabdikariin Xinif
5. Gudoomiyaha Guddida Dhaqaalaha Dibada Xisbiga Cabdi Jaamac
6. Gudoomiyaha Guddida Siyaasada Dibada ee Xisbiga Ina Cismaan Indhoole
7. Xidhiidhiyaha Bayac mushtarka iyo Tijaarta ee Xisbiga Xildh. Cumar Sanweyne
8. Lataliyaha Arrimaha Sharciga ee Xisbiga KULMIYE Xildh. Rayte
9. Lataliyaha Gobolada iyo Ciidamada Xildh.Yuusuf Tuke
10. Lataliyaha Arrimaha Saxaafada Liibaan Maaweel Shire
11. Xubinta Komiishanka Doorashooyinka ee Xisbigu Magacaabay.
iyo xubno kale oo badan oo xilal dahsoon haya.
Hadhwanaag/Haregysa
VIVA HABAR JECLO

VIVA KULMIYE

VIVA SEELANYO
