adanboy whats latest news
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
adanboy whats latest news
warka so dhaa mujahid
-
Unclebin-
- SomaliNet Super

- Posts: 5303
- Joined: Thu Sep 07, 2006 11:52 am
- Location: shibis, shangaani iyo shabellehoose= Shanshi Serenity
Re: adanboy whats latest news
Aden hashi Ceyrow Has taken the Mogadishu port and sea port.

- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
Re: adanboy whats latest news
unclebin i never seen u write in afsomali
ma afsomaliga kugu adhag??
ma afsomaliga kugu adhag??
Re: adanboy whats latest news
the muqaawama have released 5 captured TFG dabadhilif soldiers at midnight after they promised never to side with the enemy again 
Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan dagaalkii caawa ka dhacay qeybo ka mid ah M/Muqdisho.
Beerdhiga 28.09.2007 23:09
Wasaarada gaashaan dhiga oo ay saaranyihiin itoobiyaan
Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya weeraradii Xoogaga Muqaawamadu caawa ku qaadeen qaar ka mid ah Saldhigyada iyo Fariisimaha ay deganyihiin ciidamada gumeysiga itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ee DFKMG ah ee Magaalada Muqdisho.
Ilo xog ogaal ah oo ku dhadhaw xoogaga muqaawamada ayaa Beerdhiga u xaqiijiyay in weerarkii ay xoogaga muqaawamadu ku qaadeen Saldhiga Degmada Hodan ay gabi ahaantiiba la wareegeen isla markaana ay ku gubeen labo gaari oo midi yahay Cabdi Bille ka dib markii ay ka furteen qorigii dhashiikaha ahaa ee ku rakibnaa, kan kalana uu ahaa “Market”.
Isla ilahaas ayaa intaa ku daray in ay xoogaga muqaawamada nolol ku qabteen 5 askari oo 3 ka mid ahi ahaayeen odayaal halka 2 kalana ay dhalinyaro ahaayeen, isla markaana la sii daayay ka dib markii ay waaniyeen kuna qanciyeen in aysan la shaqeyn gumeysiga itoobiya.
Sidoo kale isla ilahaas ayaa beerdhiga u sheegay in ay xoogaga muqaawamadu ee caawa weerarka xoogani ku qaaday saldhiga degmada hodan ka soo qaniimeysteen:-
1) Tiro ka badan 10 qori oo ah nooca loo yaqaano AK47.
2) Rasaasta qoriga Baasuukaha.
3) Hal qori oo dhashiiko ah oo ay ka furteen gaari cabdi bille ah ka hor intii aysan gubin.
4) Bastoolado aan tiradooda si rasmi ah loo hayn.
Xoogaga muqaawamada ayaa sidoo kale dab qabadsiiyay bakhaaro ay ka buuxeen rasaas iyo raashin sida ay beerdhiga u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.
weerarka caawa lagu qaaday saldhiga degmada hodan oo ahaa midkii ugu kululaa ee lagu qaado ayaa waxa uu ku faafay agagaarka Tarabuunka ilaa iyo KM4 halkaas oo la sheegay in ay xoogaga muqaawamadu dib uga soo laabteen.
Ilo xog ogaal ah oo ku dhadhaw Xoogaga muqaawamada ayaa beerdhiga u sheegay in cutubyadii caawa weerarka ku qaaday saldhiga degmada hodan uu soo gaaray hal dhaawac ah oo fudud, intii kalana ay soo wada laabteen iyaga oo aysan wax khasaare ah soo gaarin.
Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa iyana ka soo baxaya weerarkii ay caawa xoogaga muqaawamadu ku qaadeen xeradii hore ee guul wadayaasha halkaas oo la sheegayo in lagu gubay hal gaari oo ah nooca loo yaqaano Cabdi Billaha, sidoo kalana la arkayay meydka 3 askari oo yaala xeradii hore ee Maxkamadii Shiirkole sida ay beerdhiga u xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo waliba ilo xog ogaal ah intaba.
Sidoo kale ciidamadii DFKMG ah ee daganaa warshadii hore ee Taraqa iyo Sigaarka ayaa la sheegayaa in ay ka baxeen ka hor intii aysan xoogaga muqaawamada soo gaarin fariisinkaas, taas oo ay sheegeen dadka deegaanku in ay arkayeen xoogaga muqaawamada oo si nabad ah ku galay warshada isla markaana dib uga soo baxay iyada oo aysan wax xabad ahi dhicin.
Tan iyo intii ay Bishan Ramadaan ee Barakaysan bilatay ayaa waxaa la bilowday weeraro xoogan iyo Taboyaal cusub oo ay xoogaga muqaawamadu ku qaadayaan ciidamada Gumeysiga itoobiya iyo kuwa DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga, kuwaas oo keenay in ay ciidamadu ka baxaan fariisimo badan sidoo kalana la soo gaarsiiyo khasaarooyin ka laxaad badan kuwii horey u gaari jiray.
Dhamaan weeraradan ayaa ku soo beegmaya xili ay caawa tahay Bisha Ramadaan 17 isla markaana ah xili ay muslimiintu la galeen dagaalkii ugu horeeyay mushrikiinta isla markaana ay kaga guuleysteen.
Weeraradan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xili magaalada Asmara lagaga dhawaaqay isbahaysi cusub oo sheegay in uu la dagaalamayo gumeysiga itoobiya, Sidoo kalana ay DFKMG ah codsatay in ciidamo Carbeed la keeno dalka Soomaaliya.
dhinaca kale weeraradan iyo kuwii ka horeeyay ayaa ku soo beegamaya xili ay ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeyaba la taala tiicayaan niyo jab iyo khilaaf soo kala dhex galay C/Laahi Yuusuf iyo Cali Geedi oo marayo heerkiisii ugu sareeyay oo ilaa iyo hadda maaro loo la’yahay keenayna in ay xubnaha DFKMG u kala jabaan labo qeybood oo kala raacsan labada garab.
Weeraradan caawa oo ay ka horeeyeen kii xalay u dambeeyay ayaa ku soo aaday Xili ay saraakiil ka socda 17-dal oo afrikaan ah yimaadeen Muqdisho si ay u qiimeeyaan xaalada amni ee Soomaaliya oo u muuqata mid aysan DFKMG ah gacanta ugu jirin.

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 449 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 213 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 14 Replies
- 799 Views
-
Last post by bham's_beauty
-
- 26 Replies
- 1592 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 8 Replies
- 1110 Views
-
Last post by cisman5
-
- 6 Replies
- 425 Views
-
Last post by bug a boo
-
- 70 Replies
- 3206 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 2 Replies
- 454 Views
-
Last post by Warsame101
-
- 13 Replies
- 714 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 4 Replies
- 523 Views
-
Last post by hometown-hottie